Madaxda Midowga Afrika oo si kulul uga hadlay go’aamada Donald Trump

Hogaamiyeyaasha Midowga Afrika ee  ku shirsan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa si kulul uga hadlay go’aankii Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump uu ku joojiyay dadka ka imaanaya dalal ay ka mid  tahay Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen in go’aankaasi uusan u horseedeyn xiriirka Mareykanka iyo Afrika mid sii waara waxaana ay Madaxweynaha Mareykanka ay ka codsadeen in uu dib uga laabto go’aankaasi.

Hogaamiyeyaasha ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in aysan taageersaneyn dadka qaxootiga ku galaya dalka Mareykanka ee Muslimiinta ah in dib loo soo celiyo.

Go’aanka Trump ayay ku tilamamay mid mudan cambaareeyn.

Sidoo kale waxaa ay xuseen in dadka Magan geliyada waydiistay Mareykanka ay mudan yihiin in la ixtiraamo oo mareykanku uu ilaaliyo sharciga Qaxootiga.

Dhaawaan ayay ahed markii Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka uu joojiyay dal ku galka dhowr wadan oo muslimiin ah, waxaana dalalkaasi safka hore kaga jirta Soomaaliya.

Banaanbaxyo waa weyn oo go’aanka lagu hakiyay dal ku galka dalalkaasi ayaa wali waxaa ay ka socdaan dalka Mareykanka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)