Madaxda Midowga Afrika oo maanta shir ku yeelanaya Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta  dalka Masar kaga qeyb galaya Shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika.

Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaasi.

Waxaana guddoomin doono Shirka  madaxweynaha Dalka Maasar Cabdi Fatax Al-siisii, iyadoona madaxda midowga Afrika oo dhan ay gaareen Dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maalmahan booqasho ku joogay Magaalada Qaahira ee dalka Masar,isagoona shalay kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Dr. Mustafa Madbuli.

Shirka marka uu dhamaado ayaa la filayaa in Madaxweynaha soomaaliya uu kulamo la qaato madaxda kala duwan ee ka qeyb galaya shirka maanta ka furmaya dalka Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here