Home WARARKA Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo shaaciyey in Dekadda ay 13 Milyan Doolar ku...

Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo shaaciyey in Dekadda ay 13 Milyan Doolar ku soo xareysay muddo 3 Bilood ah..

192
0

Maareeyaha Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud (Washington) ayaa sheegay in muddadii Sanadka ahayd ee uu maareeyaha ka ahaa Dekedda Magaalada Muqdisho ay wax badan u qabsoomeen.

Axmed Washington ayaa shaaciyey in Saddexdii Bilood ee ugu horreysay Sanadkan ay Dekeddu soo xareysay dhaqaale gaaraya 13 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah, halka sanadkii 2017-dii ay Dekedda Muqdisho qabatay lacagdhan50 Milyan oo Doollar.

Wuxuu sidoo kale Maareeyuhu ka warbixiyay 30 Bas oo casri ah oo uu si gaar ah u leeyahay Gobolka Banaadir iyo Labo Wiish oo ay Dowladda Qatar ugu deeqday Dowladda Soomaaliya, kuwaasoo kaabi doona howlaha ka socda Dekedda Muqdisho.

Arrimaha faya-dhowrka iyo hubinta Badeecooyinka kasoo dega Dekedda ayuu sheegay inay tahay mid aad u sarraysa layskuna hallayn karo, taasoo uu tilmaamay inay door weyn ku leeyihiin qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir.

Axmed Washington ayaa ammaanay doorka ay shirkadda Turkiga ah ee ALBAYRAK ku leedahay dib u habaynta Dekedda Muqdisho iyo kaalinta ay ka qaadatay tayaynta dhaqaalaha kasoo xarooda Dekedda.

Dekedda Muqdisho ayuu sheegay maareeyuhu inay leedahay Lix Marso oo la dhisay 1977-kii, kuwaasoo Laba ka mid ihi looga tala galay inay kusoo xirtaan Maraakiibta sida Koonteennada, Saddex loogu tala galay inay kusoo xirtaan Maraakiibta Badeecadaha kale sida iyo mid loogu tala galay Shidaalka iyo Xoolaha iyo qaybo kale, muddadaasina uu dayactirkeedu yaraa.

Maareeye Axmed Washington ayaa gabagabadii tilmaamay inayan Muqdisho ku filnayan Hal Deked oo keliya loona baahan yahay in sare loo qaado laguna sameey maal gelin xooggan, wuxuuna sheegay inay imminka wadaan howlihii sare loogu sii qaadi lahaa howlaha Dekedda.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here