Maanta ilaa Berri Jowhar oo Hal Qorshe Ka Jiri Doono & Murashaxiinta oo Lagu Wado Inay…

Waxaa magaalada Jowhar Ka socota Qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu doonayo Murashaxiinta inay isku soo banaan bixiyaan si ay Xilkaasi ay uwada rucleenayaan midkood uu helo.

Ma Sahlana in Doorashada Sabtida soo socota ka dhaceysa Jowhar uu si fudud uhelo Siyaasi ka mid ah 8 Murashax oo hadda xilka isku soo mutaxay.

Culeyska iyo Siyaasad ahaan sida ay umiisaan leeyihiin ayaa ugu wacan inay xaalada noqon karto mid baratan Adag uu dhexmari doono Murashaxiintaasi oo Hal Beel kasoo wada jeeda.

Magaaladaasi waxaa ilaa Sabtidii Horaantii Isbuucaan hareeyey Gaadiid Cod baahiyeyaal lagu xiray oo Heeso waddani ah iyo Xayeysiinta Murashaxiinta ay ka baxayeen.

Maanta iyo Berri oo khamiis ah waxaa la dhageysan doonaa Khudbadaha Murashaxiinta iyagoo soo gudbin doona waxqabadkooda hadii ay soo baxaan.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA MURASHAXIINTA MADAXWEYNAHA HIRSHABELLE ISKU SOO TAAGAY

  1. Yusuf Hagar Daba-geed
  2. Cabdi Faarax Laqanyo
  3. Daahir Cabdulle
  4. Maxamed Cabdi Waare
  5. Cabdinasir Shirwac Maxamed
  6. Maxamed Caruush
  7. Cabdiraxmaan Xuseen Cadow
  8. Cabdikarim Cali Nuur

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)