Maamulka Shariif Xasan Oo Maanta Magacaabay Mas’uul Cusub Xilli 2 Bil U Harsan Tahay

Dawlad gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay Maanta magacaabeen Mas’uul Cusub Oo ka mid noqonaya Wasaarada Warfaafinta Maamulkaasi.

Digreeto uu soo saaray Wasiirka Wasaaradaasi Xasan Cabdi Maxamed ayaa waxa lagu Magacaabay Iskuduwaha Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Ee Gobolka Bakool,kaas oo loo igmaday C/nuur Aadan Yuusuf.

Wasiirka ayaa Faray mas’uulka la magacaabay inuu kasoo dhalaalo shaqada loo magacaabay,dadkana uu ugu adeego Shaqo hufnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here