Maamulka Jubbaland Oo Xog La Fileyn Kasoo Saaray Taliyihii La Weysanaa iyo Dagaalkii Diif

Ururka Al Shabaab ayaa waxa la sheegay inay shalay la wareegeen Deegaanka Diif Ee Xuduuda ku yaalla waxaana hadda la helayaa warar kale oo taasi ka duwan.

Sargaal u hadlay Ciidamada Amniga Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in uu dhacay dagaal udhaxeeya Ciidankooda iyo kuwa Al Shabaab islamarkaana khasaaro dhankooda uusan soo gaarin.

Mas’uulka uhadlay Ciidamada Amniga Jubbaland waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu dhacay ayna been abuur tahay wararka sheegaya in ay Qabsadeen Deegaanka Ururka Al Shabaab.

Xarakada Shabaab ayaa shalay duhurnimadii soo daabacay inay qabsadeen deegaankooda,ayna xaaladu aheyd mid ay muddo kusugnaayeen Halkaasi.

Dhinaca kale Sargaalka katirsan Jubbaland ayaa waxa uu ka hadlay warar warbaahinta ay qoreen oo ahaa Taliyihii Booliska Kismaayo Maxamed Naasir Nolol iyo Geeri lagu waayey,kuna tilmaamay warkaasi mid la iska yiri.

Waxa uu sheegay in Taliye Naasir uu nool yahay Caafimaadna qabo uuna joogo Magaalada Kismaayo Ee Caasimada KMG Maamulka Jubbaland.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay