Ma dhab-baa in uu xilka Madaweyne-nimada Soomaali State iska casilayo Mustafa Cumar & Wararkii u dambeeyey

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulamo saacadihii u dambeeyey kasocday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ka dib markii sida la sheegay uu Madaxweynaha Soomaali State Mustafa Cumar go`aansaday in uu xilka deegaanka dago, oo uu noqdo Siyaasi u tartama doorashada soo wajahan ee dalka Itoobiya.

Warar hoose ayaa sheegaya in ay dalabkaas diidan yihiin saaxiibadiisa siyaasadda, gaar ahaana xubnaha Xisbiga oo ku cadaadinaya sii joogitaanka Madaxweyne-nimada deegaanka Soomaalida, isna uu xooga saarayo sidii u sameysan lahaa Xisbi siyaasadeed madax banaan oo ka aragti duwan kan dawladda guud ee Itoobiya.

Mustafa ayaa doonaya in uu u tartamo jagada ugu sareysa dalka Itoobiya ee Raysalwasaaraha doorashada 2020-ka, sidda ay sheegayaan warar aad ugu dhaw dhaw, wuxuuna doonayaa kahor in uu baneeyo jagada Madaxweyne-nimada deegaanka, maadaama ay hadda dhamaadeen caqabadaha ku wajahan xubnihii hore ee TPLF, meeshana laga saaray Xisbigii guud ee EPDRF.

Mr, Cagjar ayaa saameyn xoog badan hadda ku leh gudaha dalka Itoobiya, waxaana wararku sheegayaan in uu gaanshaanbuursi siyaasadeed ka helayo qaar kamid ah qowmiyadaha ugu badan ee dalka Itoobiya, gaar ahaana Oromadda iyo Amxaarada oo uu siyaabo kala duwan saaxiib ula yahay.

Laakiin is casiladiisa, waxaa si adag u hortaagan oo diidan dhammaan xubnaha xisbiga oo u arkaya mid aan sax aheyn, waxayna ka codsadeen kulan ay ku yeesheen habeeno kahor Addis Ababa in uu ka baaqsado oo uu sii joogo deegaanka ilaa doorashadu soo dhawaanayso.

Mid kamid ah xubnaha Xisbiga deegaanka hadda ku jira, hayana gacanta Hoggaanka guud ee Nabadgalyadda deegaanka Soomaalida oo lagu magacaabo Cabdi Caadil ayna saaxiib dhaw yihiin Madaxweynaha hadda xilka haya ayaa wararku sheegayaan in uu kamid yahay xubnaha la saadalinayo in ay xilkan qabtaan.

Mustafa Cumar ayaa taageerayaal badan ku leh gobalka Soomaali State, wuxuuna noqday hogaamiyihii ugu horeeyey ee si xor ah ugu fasaxa dadweynuhu in ay aragtidooda dhiibtaan, sidaas oo kale wuxuu dib u soo celiyey Astaanka Calamka iyo Soomaalinimada oo hadda gobalka aad looga qadariyo.