Ma dalabkii guur ee ugu cajiibsanaa abid baa midkan?

Bal sawiro – Waxaad ku jirtaa shineemo, waxaadna daawaneysaa filimka aad ugu jeceshahay, laakiin jilayada waxay kuula muuqdaan dad aad garaneyso iyo saaxiibkaaga.
Ka dib amiir ayaa guur ka dalbanaya amiirad, markii aad dhinacaga eegtayna waxaad aragtay saaxiibkaaga oo jilbaha dhulka dhigtay oo faraati haya kuna weydiisanaya guur.
Tani waa sheeko uu sameeyay ninka aflaanta alifa, Lee Loechler, markii uu guurka ka dalbanayay saaxiibtiisa Sthuthi David oo ah dhakhtarka wadnha.
Wuxuu kireystay qolka Shineemo oo uu ka buuxiyay qoyska iyo saaxiibadiisa, wuxuu u daaray filim uu si lama filaan ah uga soo dhex muuqday uuna guurka ku weydiistay, waxayna ugu jawaabtay “haa”.
“Markii ugu horeysay ee Lee uu iisoo diray farriinta email-ka, uuna ii sheegay fikradda dalabka guurka ee Saaxiibtiisa, waxaan u qaatay in uu ula jeedo qaab filim ah oo kale,” ayey tiri Kayla Coombs oo u dhalatay Australia, aflaantana sameysa, taas oo Lee lix bilood kala shaqeyneysay dib u habeynta filim la sameeyay 1959-kii.
Kayla wuxuu sheegay in dhowr bilood ka dib ay ku wadahadlayeen qadka Skype, “Waxay xaqiiqdii ahayd arrin aad loogu qanco in muuqaalka laga dhex arkay in Sthuthi ay wax badan ka fahamtay waxyaabaha yar ee aan sameynay”.

I want this much effort when I get proposed to. I’m not settling for less, nope nope nope https://t.co/H9yxJK9O9C
— claudia (@cl0udyd4ys) January 10, 2020

Xitaa macluumaadka ah sida ay Sthuthi u eegtay iyo sunnayaasheeda iyo sida ay u fiirisay Lee markii ay la yaabtay; waxyaabahaas oo dhan ayaa lagu muujiyay kartoonka filimka laga dhigay.
“Tan waxay ahayd wixii ugu weynaa ee si shakhsiyadeed aan u dalbaday ee aan weligeey sameeyay, Wax aad u fiican ayey ahayd – waan ku faraxsanahay in aan qeyb ka ahaa,” ayey tiri Kayla.
Lahaanshaha sawirkaKAYLA COOMBSImage captionKayla ayaa sameysay filimka kartoonka ah ee guur-dalbashada lagu jilay
Muuqaalka uu baahay, waxaa YouTube ka daawatay in ka badan 1.5m oo qof, Twitter-kana waxay u muuqataa in uu ka helay.
Dalabaadka aroosyada waxay u muuqdaan kuwo sii ballaaranaya, oo aad u wanaagsan bulshadana lala wadaago – Iyadoo YouTube ay ka buuxaan dad raadinaya su’aasha qaaliga ah ee ka soo hor muuqata ee guurka ah.
Markasta qasab ma ahan in malaayiin qof ay daawato – Adam King nin lagu magacabo wuxuu saaxiibkiisa guur ku weydiistay tareen buuxa dhexdiisa, sannadkii 2011, iyadoo dad badan ay u heesayeen una sacbinayeen.
Qaababk cusub culeys ma leeyihiin?
Waxaa arrintaas la weydiiyay, Bernadette Chapman, aasaasaha Ururka Qorsheynta Guurka ee UK.

This is literally the best proposal in the history of proposals I’ve EVER seen wtf I would die right then and there https://t.co/6E4usiw2td
— Jaylen (@jayjayp16) January 10, 2020

View this post on Instagram

It’s not every day you get to propose to your High School sweetheart. For the past six months I’ve been working with @kaylacoombs to animate @stutzd4 and myself into her favorite movie, Sleeping Beauty. The only thing better than seeing the smartest person I know completely dumbfounded was knowing we’d get to live happily ever after together. Enjoy!
A post shared by Lee Loechler (@yours_true_lee) on Jan 9, 2020 at 7:48am PST

“Waxaa hubal ah in culeys badan ay leedahay. Shaqsi ahaan, ma jecli in meel bannaan oo dad badan joogaan guur la igu weydiisto, waxayna ila tahay in dad badan ay ceeb moodi lahaayeen.
“Dadka meelaha l isugu yimaada sidaa ku sameeya waa in ay is weydiiyaan – Ma waxaad u sameyneysaa adiga dartaa mise qofka aad guurka weydiisaneyso aawadii?”