Layaab:-Madaxweynaha Puntland oo Xilka Ka Qaaday Agaasime Diiday in uu Shaqadiisa Qabsado

Wargeeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa xilkii loogu qaaday agaasimihii wasaaradda amniga Maamulka Puntland Yaasiin Cali Yuusuf, kaasoo muddo dheer shaqada ka maqnaa tan iyo markii xilkaan loo magacaabay sanadkii hore ee 2016.

Yaasiin Cali Yuusuf agaasimihii wasaaradda amniga Puntland ayaa lagu eedeeyay in uusan Xafiiskiisa la wareegin tan iyo markii la magacaabay islamarkaana  uu dalka dibadii kala shaqeynayay Hay’addo Ajanabi ah Qaramada Midoobe hoos-taga isagoo matalaya Magaca Mamulka Goboleedka Puntland.

Dhanka kale Agaasime Yaasiin yuusuf ayaa isna la sheegay inuu horey madaxweyne Gaas ugu gudbiyay warqad is casilaad ah, isagoo ku sugnaa dalka dibadiisa, waxaana la sheegay inuu ka cudur daartay inuu sii shaqeeyo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)