Lamaanayaal Kenyan ah oo Markii ay Isguursan haystay Boqol Shilin Laakiin Haatan Haysta Malaayiin (SABABTA)

Arin layaab leh ayaa dhawaan Kenya ka dhacday taas oo soo jiidatay  indhaha dadka dalkaas, kadib markii lamaanayaal mudo jaceyl wadaagayay ay guurkooda ku maareeyeen Boqol shilin oo Kenyan ah oo udhiganta wax ka yar Laba Dollar laakiin dib ka helay lacag malaayiin ah

Lamaanayaashan ayaa haystay kaliya boqol shilin oo ay guurkooda iney ku dhigtaan ugu talagaleen, laakiin waxaa ay xadeen indhaha dad caan ah iyo shirkado kuwaas oo arooskii faqiiriinta ubadalay arooskii ugu weynaa.

“Lamaanayaashii yar yaraa ee arooskoosa uqorsheeyay boqol shilin hada waxaa lagu maalgeliyay malaayiin shiln|sidaas waxaa bogga Facebook soo dhigay mid kamid ah shirkadihii taageeray.

Alaabo Diamond ka sameysay ayaa kamid ahaa waxyaabihii lagu maalgeliyay arooskan taas oo ku qiimeysan malaayiin shilin, halka deegaanka Isinya ee Koontiga Kajiado laga siiyay filo ku qiimeysan Sh320,000.

“aan kuu sheego inaad bilaabeysaan noloshiinii guurka. tani waa maalgelin, waxaadna noqon doontaa beeroole halkaas oo aad sanadkii ka heli doonto ugu yaraan Sh450,000,” Khiranga ayaa sidaas sheegay oo leh shirkadii taageertay lamaanayaashan


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)