Lacagtii ugu badneyd oo Jowhar la geeyey & Muuse Suudi oo niyad jab muujiyey

Inta badan murashaxiinta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyey ku jira iyadoo dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayey saacadihii lasoo dhaafay Magaalada Jowhar.

Isniinta maanta ah waxaa Hoolka Baarlamaanka Hirshabelle ka dhacay kulanka lagu dhageysanayo qaar ka mid ah murashaxiinta aqalka sare utaagan waxqabadkooda.

Senetor Muuse Suudi Yalaxoow ayaa kamid ahaa Murashaxiinta hadal jeedinta sameeyey isagoo ballan qaaday in hadii dib loo doorto uu u adeegi doono dadka uu ku metelo hirshabelle DFS.

Waxa uu yiri Muuse Suudi “Hadaad rabtaana iga reeba ama codkiisa isiiya”
Murashax Aqalka Sare C/llaahi Sheekh Xasan ayaa xildhibaanada ka dalbaday inay kala doortaan shakhsiga mudan inuu ku hogaamiyo baarlamaanka Senet-ka Ee soomaaliya.

Kursigaas Muuse Suudi ku fadhiyo oo ah midka ugu adag ee tartanka loo galayo ayaa waxa baratanka murashaxiinta ku jira ka mid ah Axmed Xasan Cadoow (Axmed Daaci) isagoo codsaday in xildhibaanada hirshabelle doortaan.

“Daaci oo hadlayey waxa uu sheegay in ballanta uu qaado ka been sheegi doonin,isagoo mudanayaasha golaha wakiilada hirshabelle dalbaday in ay ku taageeraan codkooda”.

Berri ayaa waxa Jowhar ka dhaceysa qaar ka mid ah kuraasta qaar Ee Golaha Aqalka sare iyadoo Madaxweyne Cali Guudlaawe uu sheegay in cid si gaar ah kuraasta loogu xirayo aysan jiri doonin,doorasho xor iyo xalaal ahna ay qaban doonaan.

Lacag badan ayaa magaalada soo gashay sida wararka lagu helayo iyadoo kuraasta qaar la sheegay in kumanaan kun dollar lagu bixin doono si ay iskaga riixdaan codka xildhibaanada doorashada laga sugayo.

Jowhar waxaa kusugan Kormeerayaal la socon doona hanaanka doorashada udhaceyso waxaana dhanka kale socda xod xodasho xildhibaanada hirshabelle kala kulmayaan murashaxiinta aqalka sare raadinaya.