Labo Musharax oo isku Hub qaatay oo Berri hortagaya Baarlamaanka

Berri oo khamiis ah Xildhibaanada Aqalka Sare iyo sidoo kale golaha Shacabka waxaa  khudbado ka horjeedin doona Sideed Musharax oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Hadda Talada Haya iyo Madaxweynihii Hore Soomaaliya Shariif sheikh Ahmed

Waxaan inta Badan la Sugayaa Qudbadaha Musharaxiinta kala ah Shariif sheikh Axmed iyo Xasan sheikh oo Miisaan Xooggan ku leh Siyaasada Dalka

Shariif sheikh ahmed ayaa Hore u shaaciyay in Dalka Hore wax badan usoo qabtay hadane uu doonayo inuu Mar Kale uu Talada Dalka uu la wareego Maadama uu Dalka Marayo Xaalad Adag

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Hal ku dhig ka Dhigtay Qabyo Ninkeeda Dhamees tiro isagoona sheegay in Howl ay qabyo u mareyso uuna doonayo inuu dhameestiro

Musharaxiinta Khudbadaha jeedin doona Khamiista ee ay shaaciyeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa kala ah:

Axmed Maxamed Cabdi

Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Bashiir Raage Shiiraar

Jibriil Ibraahim Cabdulle

Xasan Sheekh Maxamuud

Saciid Cabdullaahi Deni

Saciid Ciise Maxamuud

Shariif Sheekh Axmed.

Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa looga kala qeybiyay Saddex kooxood, waxaana laga dhigay Mid Sideed .


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)