Home WARARKA Labo Maalin Kadib oo Axada Maanta Ah Dib Loo Furayo Masjidka Barakeysan...

Labo Maalin Kadib oo Axada Maanta Ah Dib Loo Furayo Masjidka Barakeysan Al Aqsa

2
0

R/wasaaraha Israa’iil¬†Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Masjidka Al Aqsa Ee Bariga Qudus ku yaalla dib loo furayo Maanta oo Axad Ah kadib labo Maalin uu xirnaa.

Falastiiniyiinta Qudus Deggan ayaa waxay isku dhaceen Ciidanka Yuhuuda Subixii Jimcaha taasi oo keentay in salaadii Khudbada dadka ay ku tukan waayaan Masjidka oo laga hor istaagay.

Warsaxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay Xalay Sabtidii in dib loo furayo Masjidka oo dadku ay tegi karaan.

Dhowr mar ayaa la xiray oo dadka Muslimiinta ay Cidanka Yuhuuda ka hor istaageen in Salaada ku tukadaan Masjidka Barakeysan Ee Al Aqsa.

Dadyoowga Muslimiinta Caalamka ayaa umuuqda kuwo ka aamusan ficilkaasi foosha xun Ee goobaha Muslimiinta gaarka u ah ay Yuhuuda ku dhibaateeneyso.

Waxaa Tarjumay Warbixintaan: Xasan Xayi Cabdullaahi

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here