LA OGAADEY: Xasan Sheekh Oo Arrin Halis Ah Ka Bilaabay Villa Soomaaliya Kahor Guuritaankiisa!

Madaxweyne Hore Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda si KMG ah u deggan Villa Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in arrin aad u halis ah ka bilaabay madaxtooyada maadaama uu guurayo.

Xasan ayaa la sheegayaa in Villa Soomaaliya uu ka qaadanayo qalab aad u muhiim ah oo madaxweynaha cusub ku shaqeyn lahaa, baab’inta liisas la sheegay in shaqooyin badan lagu qaban lahaa iyo sidoo kale kala erinta shaqaale laf dhabar u ah Villa Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in hadda waxyaabaha uu Xasan ka taqlusay kamid yihiin Docoments gaaraya 112 oo ay ku jireen macluumaad shaqo oo Madaxweyne Farmaajo wax badan u fududeyn lahaa.

Sanadkii 2012-ka Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu agab aad u muhiim ah iyo xafiis lagu shaqeyn karo ku wareejiyey Xasan Sheekh, isna waxaa looga fadhiyey inuu sameeyo sidaasi oo kale.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)