Kulan Albaabada Uxiran Yahay oo C/xakiin Cameey & Saraakiil Ciidan Uga Socdo G/kacyo

Waxaa kulan Albaabada Uxiran yahay uu ka socdaa Magaalada Gaalkacyo kaasoo udhaxeeya Ciidanka Amniga Saraakiishooda iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cameey.

Kulanka ayaa warbixin Nabad gelyada la xiriirta waxa laga dhageysanayaa Saraakiisha Ciidanka kuwaasi oo ka waramaya dhacdooyinkii ugu dambeeyey.

Sidoo kale Amni daro ka dhacday Wuqooyiga Gaalkacyo iyo sida Arbushaadaasi ufududaatay ayaa wax laga weydiin doonaa Saraakiisha Amniga Ee Hadda kulanka ka qeyb galaya.

C/xakiin Cameey ayaa sidoo kale weydiinaya Saraakiishaasi halka uu ku  dambeeyey Heshiiskii Nabadaeynta ahaa ee dhexmaray Puntland & Galmudug ee kusaabsanaa Nabad kuwada noolaanshiyaha Gaalkacyo.

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in Ciidan Badan oo Amniga lagu Xaqiijinayo laga keenayo Garowe si Nabad gelyada Gaalkacyo ay usugaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)