Kulamo wada-tashi ah oo lagu raadinayo xilka Ra’iisul Wasaaraha oo ka bilowday Muqdisho

Kulamo wada tashiyo ah oo loogu ololeynayo xilka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka bilowday Hotelada Muqdisho, iyadoo Beelaha Hawiye ay durbaba bilaabeen xusul duubka ay xilkan ugu jiraan, si awood qeybsi ahaan ugu helaan xilkan.

Beesha H/gidir ayaa noqotay beeshii u horeysay ee bilowday ololaha ugu weyn ee xilkan ay ku raadineyso, waxaana habeen hore kulan ballaaran ku yeesheen Hotel Afrika.

Kulankan ayaa ujeedkiisa ahaa sidii Beesha H/gidir u heli laheyd xilka Ra’iisul Wasaaraha, waxaana la soo jeediyay in Madaxweyne Farmaajo u magacaabo xilkaas shaqsiyaad dhowr ah oo ay ku jiraan qaar ka mid ah Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha.

Sidoo kale Beesha Muddulood ayaa iyana bilowday dadaalka ay ugu jirto xilkan, waxaana xalay kulan ay ku yeesheen Hotelka Global, waxaana kulankaas goob joog ka ahaa, Xildhibaanada labada Gobol, siyaasiyiinta iyo waxgaradka.

Waxaa kaloo wehliya in Beesha Murusade ay iyana qeyb ka tahay ololaha ay ugu jirto xilka Ra’iisul Wasaaraha, waxaana markii u horeysay ay soo bandhigtay damaceeda qof ka soo jeeda uu qabto xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu leeyahay soo magacaabida xilka Ra’iisul Wasaaraha, 30-ka maalmood ee uga horeeya marka uu xafiiska, la wareego ayaa hadana la filayaa inuu wada tashiyo kala sameeyo dhinacyo kala duwan.

Dad badan ayaa aaminsan in magacaabista xilka Ra’iisul Wasaaraha uu ka mid yahay arrimaha ugu culus ee hor-yaala Madaxweyne Farmaajo, iyadoo qofka loo magacaabo uu noqon karo furaha guusha ama fashilka dowladda, waxaana bar bar socota caqabadaha lagala kulmi karo beelaha u ordaya ee doonaya in hab awood qeybsiga lagu saleeyo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)