Kudhawaad 10 Qof Oo Shabaab Ku Xireen Sh/Dhexe & Ehelada Dadkaas Oo Wadnaha Farta Ku Haya

Sida ay Xog ahaan sheegeen dadka deegaanka Basra ayaa waxaa maanta ay Shabaab Xabsi dhigeen dad gaaraya tiro  ahaan 10 Qof.

Dadka ku dhaqan Basra oo katirsan Sh/Dhexe kuna taalla Xadka ay wadaagaan Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose waxaa ay walaac ka muujiyeen culeys ay saareen Shabaabka.

Basra ayaa gacan ku heynteeda isku bad badeshay Maalmo gudaheed,waxaana hadda kusugan Ururka Al Shabaab oo maamulkooda ka shaqeeynayo.

10 Qof ayaa la sheegay in Shabaab ku xireen Deegaankaasi oo ay kaga shakiyeen Jawaasiis la shaqeenayey Dawlada Soomaaliya oo Xog ka gudbinayey Shabaabka.

Lama oga sida laga yeeli doono dadkaasi oo xaaladooda laga deerinayo,Ehelada Dadka la xiray waxay ka cabsi qabaan in la dilo Dadkaasi.

Duqeymo ayaa ku dhacay Basra dhawaan oo Shaba ab lagu bartilmaameedsaday,waxaana la sheegay in Ciidanka Dawlada iyo kuwa Shabaab ay khasaaro dagaaladii ugu dambeeyey ay kasoo gaareen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)