Kooxo hubeysan oo goordhow goobtiisa Ganacsiga ku dhex toogtay Abuukar Qaasim + (SAWIRO)

Wararka naga soo gaarayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan goordhow goobtiisa ganacsiga ku dhex toogteen mid ka mid ah dhalinyarada degmadaasi.

Ninka la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Abuukar Qaasim,waxaana sidoo kale dadka degmada Afgooye ay sheegeen inuu ahaa Macalim.

Lama oga sababta kooxaha hubeysan Wiilkani dhalinyarada ah u dileen,waxaana durba goobta ka baxsaday kooxaha dilka geystay.

Ciidamada Amaanka ayaa goobta dilka uu ka dhacay gaaray,waxayna baaritaan ku hayaan sababta dilka u dhacay iyo Cida geysatay.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay