Kooxo Afka u duubnaa oo dhacay Geel Tiro badan iyo xiisad dhalatay

Wararka ka imanaya degaanka Qeydare ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu kala dhacay 50 Neef oo Geel ah sidoo kalena lagu dhaawacay 2 Qof oo ahaa Madiidintii xoolaha la dhacaY.

Wariyaha Shabakadda Baahin ee Gobolka Mudug,ayaa soo sheegaya in halkaas xalay lagu kala dhacay Geel,sidoo kalena la dhaawacay labo qof.

Waxaa wuu sheegay in Labo beelood oo wada deggan degaankaas ay xiisad u dhaxeyso islamarkaana sababtay in ay xoolaha hadda kala dhacaan.

Deegaano hoos yimaada Qeydare ayaa waxa ka tagnaa mudooyinki ugu dambeysay xiisad dagaal u dhaxeysa laba beelod  kuwasi oo isku haystay dhul ku yaalla halkasi.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in hadda ay jirto cabsi isku dhac dhexmara labada dhinac ee Xoolaha kala dhacay taas oo sameyn taban ku yeelaneysa dadka ay abaaraha saameeyeen ee deggan degaannadaas.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)