Kooxda Macawiisleyda oo sheegatay inay dileen Guddoomiye Ku xigeenkii Shabaab ee Xaradheere…….

Kooxda macawiisleyda ee ka dagaalanta Hiiraan & Shabellaha dhexe deegaano ka tirsan ayaa waxa ay sheegteen inay dileen Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Kadib dagaal ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, gaar ahaan miyiga fog ee Jalalaqsi, ayaa Kooxda Macawiisleyda waxa ay sheegeen inay ku dileen Sarkaal si dhuumaaleysi ah halkaasi ku joogay.

Sarkaalka ay sheegteen Macawiisleyda inay dileen, ayaa waxaa magaciisa ay ku sheegeen Maxamed Yare, waxaana ay tilmaameen inuu ahaa Guddoomiye Ku xigeenkii Shabaab u qaabilsanaa Degmada Xaradheere, balse si dhuumaaleysi ah ku joogay Gobolka Hiiraan.

Sarkaalka u hadlay Kooxda Macawiisleyda oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Shabaab, waxaana uu tilmaamay rasaasta dagaalka ay ku galaan inay ka helaan Ciidamada Itoobiya.

Waxa kale uu sheegay Sarkaalkaan falalka Shabaab ay ka gaysanayaan Gobolada Hiiraan & Shabellaha dhexe inay yihiin wax aanan loo dulqaadan karin, islamarkaana dadka deegaanka ay fahmeen oo hadda si adag loola dagaalamo.

Kooxda Macawiisleyda ayaa waxa ay yihiin xoolo dhaqato is uruursatay oo u dulqaadan waayay dhibaatada kaga imaaneysa Shabaab & in xoolahooda laga uruursado.