Koox Bistooladleey Wiil Caan Ahaa ku Dishay Magaalada Jowhar

Koox Hubeysan ayaa waxay Xalay Salaadii Cishaha kadib ku dileen Degmada Jowhar mid ka mid ah Dhalinyarada Degmadaasi.

Bistoolado koox sitay ayaana la sheegay inay dilka geysteen kuwaasi oo kadibna ka baxsaday meesha.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in Cabdi Faarax uu ahaa mid ka mid ah Ganacsatada iibiya Doorada (Digaaga) Suuqa degmada Jowhar.

Sidoo kale Cabdi Faarax oo ku caan ahaa Naaneysta Cadaawe ayaa waxa meydkiisa saaka lagu wadaa in lagu Xabaalo gudaha Jowhar.

Ciidan katirsan kuwa Dawlada Soomaaliya ayaa dilka kadib gaaray meesha waxaana ay baaritaan kooban ka sameeyeen halkaasi walaw aysan dad soo qabanin.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay