Kiiskii Qalbi Dhagax oo Wasiir Katirsan P/Land Xilka ku Waayey & C/xakiin Cameey Oo…

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa xilka looga qaaday Wasiiru dowlihii Xiriirka Gobollada Ee Puntland Bashiir C/raxmaan Gurxan.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cadixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa xeer Lr-19  September 13 2017, xilka kaga qaaday Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay:                  Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay:                  Habdhaqan lidka ku ah Hannaanka Dawladnimo.

Markuu Garawsaday:     Mas’uuliyad darrada uu ku kacay.

 

Wuxuu  Xeeriyey:

  1. Wuxuu xilkii ka qaaday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.
  2. Xeerkani Wuxuu dhaqan-gelayaa Markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweyne Ku-xigeenku.

 

=DHAMMAAD=


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)