KHUDBADII XASAN SH: Xasan Sh oo balanqaad cusub sameeyay & Arimihii xasaasiga ahaa ee uu ka hadlay

4 Khudbada Musahrax Xasan Shiikh Maxamuud : Waxaan u howlgalnay in la dhisho maamul goboleedyo xudun u noqday baahinta maamulka , 4sano ee lasoo dhaafay waxan dhisnay afar maamul goboleed waxanuna sii xoojinay maamulka keliya ee hore u dhisna .

Maamul goboleedyadu waxay kud hisnaayeen lahasho bulsho , dhismaha hayado baarlamaan iyo madaxweynayaal ay soo doorteen dad lasoo xulay , maanta maamuladaasi waxay si buxuda oo amni ah u maamula deeganadooda , 4sano ee lasoo dhaafay waxaa dalka ka dhacay 6doorasho , waxaan safari kala duwan oo la xiriira hore us ocodsiinta aan ku tegay dhamaan xarumihii dhismasyaasha dowladd goboleedyadu ka socdii si looga heshiiyo wax walbo .

Dhismaha maamul goboleedyadu waxay sii xoojiyeen wax walbo , suuragal ma noqoteen in doorashadu ka dhacdo gobolada , sugida amniga , 2012kii waxaa dalka intiisa badan gacanta ugu jireen alshabaab sanadkii ugu horeeyay ayaan bilownay , meelaha aan booqday wa badanyihiin oo la xoreeyay , ciidamada dowladda iyo amisom waxay guulo ka gaareen alshabaab.

Dib u xoreyntii dalka waxaa garab socday dib u dhiska ciidamada qaranka , daroojiynka , kordhinta garaamka la siiyo askarta oo awa ahayd 1$ hada ah 2$, tayteynta tobabarada ciidamada , isku dhafka ciidamada kala jooga gobolada kala duwan oo bilowmay , waxaa taasi garab socday dejinta siyaasada amniga qarank , dowladd federaalka iyo maamul goboleedyadu waxay isku raaceen siyaasada amniga qaranka oo markii u horeysay dalka loo dejiyo .

Mudadii 4sano ahayd waxaa noo qabsoomay , kow soo celinta aqoonsiga dowladnimo ee dalkeena soomaaliya , 2ka gudoomida aqoonsiga 40safiiro , 3 dib u furida safaarado badan oo aduunka ku lahayn oo dib u furan, 4 sadex xubintii ay qaramada midoobey iyo ururada kale ee caalamiga ah iyo dejinta siyaasada dalka.

Burburkii kadib waxaa dhaawac gaaray midnamadeena ,Waxaan qaadnay talaabo ah in garowshiyo loo sameeyo walalaheen Somaliland iyo in wada hadal lagu xaliyo wax walbo , in loo muujiyo garab istaag dhab ah markay dhacaan xaaladaha gurmadka u baahan , in lasii wado wadahadalada ee aanay ku ekaan dhanka siyaasdaa ee loo badiyo dhinacyada dhaqanka iyo bulshada , in loo muujiyo xiriir hogaamiyaayasha siyaasadeed iyo kuwa dhaqan ee Somaliland , In loo fududeeyo wixii ducoments ah ee la xiriira safada iyo ganacsiga , in la hirgeliyo doorashada oo xubno ku yeeshaan dowlada oo dhowaan kuwo xil kazoo hayey Somaliland hada dowladda ku jiraan.

Hanaanka federaalka ah ee aynu qaadanay waxaa uu kudhismay hab ku meel gaar ah oo mar mar aysan cadeyn awoodaha iyo kala danbeynta maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka , waxaan dardargelin doona hanaanka ay maamuladu uga bxii lahaayeen kumeel gaarka oo aan hirgeli golayaasha deegaanka .

Dhamaystirka dastuurka , waxaan u baahanahay in la howlgalo afti qaran hirgelinteed marka baarlamaanka uu ansixiyo dastuurka , taasian waa muhim si loo helo dastuur dhameystiran oo uu dalkan helo.

Qorshaha soo socda , Axsaabta siyaasadeed , doorashooyinka heer goboleed ee dhamasytiran iyo doorashooyinka qaranka ee 20120, waxaa ogtihiin in aan sameynay doorashooyin dadban oo ay ka qaybgaleen 15kun oo ergo , waxaan hiigsanaynaa 2020 in intaasi hore looga socdo oo la gaaro qorshaha aan hiigsanayno 2020ka
Waxaan dib u dhignay lacag cusub oo lasameeyo , anagoo ka baaqsanayna in lacag cusub oo la sameeyo ay waxkasta sababi karto hadaan sharci lasameyn , dhowaan waxaan wadna qorshe lagu horumarinayo shilinka saaomaliga .
Waxaan ugu bishaarayn doona madaxda iga danbeysa 2020 in ay guran doonaan miraha dadaalka aan sameynayno maanta , wada hadalada lagu doonayo midnimada soomaaliyeed waxay marayaan heer yadadiilo badan waxaan u baahanahay in hore loo sii wado , waxaan dadaaladaasi ka qaybgelin doona cidkasta si natiijo looga gaari laha wada hadaladaasi , waxaan adeegsan doona suugaanta , dhaqanka iyo diinta si loo soo celiyo midnimada soomaaliyeed.

Dib udhiska dalkeena waxaa uu u baahanahay kaalmo caalami ah , waxaan ku dhex noolnahay gobol ay ku badanyihiin xasaradaha , soomaaliya ay tusaale u ahayd , maanta waxaa jira xasarado badan oo jira soomaaliyana waxaan ka shaqeynay in aysan ku dhex milmin , waxaan adeegsanay siyaasad degan anagoo ka fekerayna dalka , dadka iyo diinteena , anagoo marna aan ka tanaasuleyn qaranimadeena wada jirkeenda badeena iyo dalkeena .
Waxaan u mada u balan qaadaya , dhismaha siyaasad qaran , oo ay sal u noqdaan axsaab siyaasdeed oo aan ku dhisneen qabiil , goboleesi iyo qabiil midna , waxaa soo noq noqotay hanta gaar ah iyo musuq maasuqa , waxaan umada ucadeynaay in aysan jirin wax hanta gaar ah oo aan aniga sameystay intii aan xilka hayey , waxaan ballan qaadaya qorshe lagula dirarayo musqu maasuqa ,, waxaan sameyn doona guddi qaran musuq maasuqa la dirira .

Waxaan idinka codsanaya in aad mar labaad kalsoonidiina isiisaan sidii aad hada kahor idiinka codsaday , anigoo markan codsigayga halheys uga dhigay Qabyo qofkeedu ha dhameystiro”

#KhudbadaMusharixiinta Madaxweynaha


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)