Khudbadii SH SHARIIF: Musharax Sh Shariif oo Barlamaanka hordhigay Sababaha ay tahay iney ku doortaan

“ Afar sano ka hor halkan ayaan soo istaagay anigoo cod weydiisanaysa baarlamaanka, Waxaan dhisayna ciidamo cusub oo dalka kala wareega cidiamada shiisheeye ee jooga Ciidamada hada jooga waxaa lagu sameyn doona isku dhaf iyagoo ka howlgala gobolada dhan inta ay diyaargaroobayaan ciidamada cusub, sidaan qorsheynayno marka la gaaro 2018 waxaa diyaar noqon doona ciidamada cusub kuwa kalena xeryahana ayeey usoo laaban doonaan . taasi oo noqonaysa bilowga kala wareegida amniga dalka ciidamada amisom.
Dowladd walbo amisom waxay sugayaan maalin walbo in la dhaho waa mahadsanithiin , waxaana ugu fiican in ciidamadaasi ay bedelaan ciidan soomaaliyeed oo dhisan oo dhameystiran .

Dib uheshiisinta , waa qodob muhim ah oo la rabo in loo sameeyo si ka duwan sidii hore , oo aan u laabano qaabkii dhaqanka geedkii la fariisto , si loo sameeyo dib u heshiin dhexmarta qabaailka soomaaliyeed . waxaan ognahay dhamaanteen in aysan jirin dib uheshiin soomaalidu isugu timi oo ay ku heshiiyeen in ay ku dhisaan midnimada soomaaliya . waxaan ku rajo weynahay dowladdaydu in dib u heshiisiintaasi noqoto mid mira dhasha oo qayb ka qaadata horuamrka dhaqalaaha isdhexgalka bulshada iyo xoojinta dowladda soomaaliya .

Garsoorka , waxaa uu hada ku koobanyahay magaalada muqdisho , shacabka soomaaliyeedna waxay u baahanyahay in uu gaaro meel kasta , waxaan ku bilaabayna sareenta sharciga , kor u qaadida garoosrka , garoos ku qotoma awood iyo xirfad diyaarna u ah guto howshiisa.

Waxaan wada ognahay in weli maxkamadiihi dastuuriga ahaa aan la dhameystiran , xukuumadaydu waxay dhameystiri doonta garsoorka waxayna gaarsiin doonta gobolada dalka oo dhan.

Dastuurka , umad waxa ay heshiis kutahay waa dastuurka , waxaan wada ognahay waxaan qaadanay nidaam federaal ah , welina lama hayo shuruucdii u adeegaysay nimaadka aan qaadanay ee federaalka ah , waxaan aaminsanahay in dastuurka uu meel soo gaaray laakiin u baahanyahay talaabo geesinimo leh oo lagu dhameystiro , xukuumadayda waxay qaadi doonta talaabo lagu dhameystiro si uu u noqdo dastuur dhameystiran oo xalaal ah.

Xukuumadaydu waxay sameyn doonta qorshayaal lagu horumariyo dhaqaalaha , waxaan sameyn doona shuruuc kala hagi doonta , arinta caafimaadka ayaa iyana ku xigta taasi oo ah mid ay muhimtahay in kor loo qaado, waxaan wadana siyaasad caafimaad qabta oo heer qaran ah , in aan diyaarino isbitaaladii ku burburay dagaaladii sokeeye , in ay dhisto hayad kantaroosha tayada daawooyinka lagu isticmaalo dalka .

Waxbarashada waa muhim , tan hada dalka ka jirta ma gaarto gobolada oo dhan , ma gaarto degmooyinka , ma gaarto tuulooyinka , waana mid ku dhisan hab ganacsi .taasi oo ka hor istaagaysa dadka aan awoodin in ay lacag wax ku bartaan , waxay saameyn doonta shacabka soomaaliyeed , si taasi looga gudbo waxay xukuumadayda dhisi dootna dugsi iyo kuwo la dayactirayo , waxaan lacag la’aan ka dhigi doona dugsiyada hoose , kuwa dhexe iyo kuwa sare , waxaan xoojin doona oo mideyn doona manhajka waxbarashada ee dalka , hada ma jirto wax mideysan waxayna khatar kutahay in ay barbaariso jiil kala afkaar iyo aqoon duwan. Waxaan ka shaqeyn doona heer federaal iyo heer maamul goboleed in aan sameyno manhaj mideysan oo waxbarasho oo dalka oo dhan , taasi oo caruurteena marka ay waxbarashada soo dhameeyaan u saamaxaysa in ay la tartamaan dhigooda aduunka.

Waxaan wax ka qaban doonaa xuququl insaanka iyo arimaha deegaanka , sidoo kale waxaan diyaarin doonaa siyaasad arrimo dibadeed oo ku qotonta masaalixda dadka soomaaliyeed oo ilaalisa masaalixda dalalka dariska ah iyo kuwa ay inaga dhexayaan masaaliix guud iyo mid midaysan.
Maamul wanaaga , waxaan joogna maanta meesha ugu hooseysa marka laga hadlayo maamul wanaaga iyo musuq maasuqa , dowladaydu waxay hirgelin doonta maamul hufan , taasi oo aan iska kaashan doono golayaasha dowladda oo dhan , waxaan rabnaa in aan u diyaarinayo mashruuca dowladd wanaaga in uu noqdo mashruuc qaran oo ay kawada qayb qaataan haydaha dowlada dhamaan, waxaan la socona dal buburay oo soogaaay heerkan oo kale ah in uusan ka gudbi karin ilaa laga helo maamul hufan oo kasbada kalsoonida dalka .

Waxaan rabaa in aan idiin sheego in aan ahay masuul usoo diyaargaroobay xilkaasi adag ee aan idiin sheegay , waxaan raba dalkan inaan sumcadiisa iyo karamadiisa soo celiyo iyadoo laga saarayo meesha waxii maamulka ragaadiyay qabiil , ama kooxo gaar isu og ama cidkaleba .
Waxaan rabaa inaan idin sheego inaan diyaar u ahay inaan ilaaliyo sharciga iyo wax walbo oo dalkan masuuliyad ah , 4sano ee lasoo dhaafay in aan usoo diyaargaroobay in aan saxo wixii khalad ee dhacay , waxaan idiin balan qaadaya in aan sooceliyo hantidii dalka ee la boobay waxaan aaminsanahay waajib qaran , maanta waa maalintii aan sixi lahayn khaladaadkeena .

Waxaan diyaar uahay wixii aan ka hor imanayn shareecada islaamka , dhaqanka suuban , in sidaytahay loo fuliyo , waxaan aaminsanahay horumarka reer galbeedku gaaray in ay asaas utahay nidaamka dimuqraadiga ah , in loo qaato sida ugu fiican ee dalkan gaarsini karta horumar baaxad leh
Caqabadaha jira waan soo sheegnay , amniga , musuq maasuqa , caafimad xumiada , waxbarashada iyo waxii lamid ah dowladayda waxay diyaarisay qorshe wax looga qabanayo.

Himiladaydu waa in dalkan 2020ka ay ka dhacdo doorasho xor ah qof iyo codkiis , taasi waxay ku imanaysa arimo badan dhameystirka dhismaha dalka , kabayaasha , korontada , biyaha iyo wixii muhim ah , sidoo kale waxaa muhim ah intaan doorashada la gaarin waxaa muhim ah lasoogunaanado wadahadalada walalaheen Somaliland.
Waxaan diyaar u ahay wadahadaladii istaagay ee aad ogtihiin dowladayda in ay bilowday inaan dhameystiro , ma ihi qof cusub oo aad baranaysay , waxaan ahay qof dalkan hore usoo hogaamiyay , wakhti adag isagoo intaan ka cusub , waxaan aaminsanahay in aan ahay qof aad dalka ku aamini kartaan”


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)