Khilaafkii ugu Xooganaa: Shabaab oo Qoryaha Isku jeediyay & Hogaamiyihii Kenya oo weerar lagu yahay

Warar soo baxaaya ayaa sheegay in khilaaf xoogan uu ka dhex curtay maleeshiyaadka Al-shabaab garabka ka howlgala Somalia iyo Kenya.

Khilaafka oo labadii bil ee ugu danbeysay ahaa mid taagan ayaa waxa uu soo shaacbaxay laba Asbuuc ka hor, kadib markii Horjoogaha Al-shabaabka Kenya Sheekh Axmed Iimaan Cali uu diiday amaro kala duwan oo uga imaaday Hogaanka sare ee Al-shabaab.

Khilaafka kadib Horjooge Sheekh Axmed Iimaan Cali ayaa ku dhawaaqay inay gooni uga baxayaan Al-shabaabka Somalia, isla markaana ay noqon doonaan Koox ka madxabanaan Alshabaab.

Axmed Iimaan Cali, oo ay xiganayeen warbaahinta Kenya ayaa sheegay inay la baxayaan magac cusub isla markaana ay la imaan doonaan maamul ay u dhameystiran yihiin dhammaan sharciyadooda, sida laga soo xigtay.

Hogaanka Al-shabaabka Somalia oo ka duulaaya qorshaha cusub ee uu wado Axmed Iimaan Cali, ayaa la xaqiijiyay inay dajiyeen shirqool lagu khaarijinayo Horjooge Axmed Iimaan Cali.

Macluumaad ay heleen wardoonka Kenya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay diyaariyeen dagaalyahaano weerar ku qaada Axmed Iimaan Cali isla markaana ka takhluusiya.

Wardoonka oo dhageystay teleefanada Al-shabaabka loo diyaariyay khaarijinta Axmed Iimaan Cali, ayaa bilaabay inay dhaqdhaqaaq ka sameeyan goobaha laga shakisan yahay inay joogan maleeshiyaadka Axmed Iimaan Cali.

Al-shabaab ayaa wixii ka danbeeyay geerida Horjoogihii Axmed Godane saaxiib u noqday Khilaaf iyo kala irdhoobid waxaana jira dagaalyahaano ku dhow 70 oo ka baxay Al-shabaab.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono, waxaana suuragal ah in Al-shabaab Somalia iyo kuwa Kenya uu dhexmaro dagaal joogta ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)