Kenya:Duullimaadyada waa la hakiyey, baararka waa la xiray dagaalka ka dhanka ah coronavirus

Maaddaama Kiisaska Covid-19 ay gaareen dalka Kenya 15, dawladda ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin cusub oo lagu xakameynayo faafitaanka Coronavirus ee caalamka dhibaata ku haaya.

Xoghayaha Golaha Caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay in dhammaan duullimaadyada caalamiga ah la xayirayo Arbacada, marka laga reebo duullimaadyada xamuulka ee ay waajibka tahay in ay raacaan sharciyo adag ee Dowladdu dajisay.

“Kuwa imanaya dalka inta u dhexeysa hadda ilaa arbacada waxa ay gali  doonaan karaantiil khasab ah,” ayuu yiri.

Wasaarada Caafimaadka Kenya waxa ay intaasi ku dartay in wadamada Doonaya in ay muwaadiniintooda kala baxaan dalkaasi ay marayaan shuruudo ay u dajisay Dowladda Kenya,halka Muwaadiniinta Kenyaanka ah la amray in ay u hoggaansamaan sharciyadaan.

Kiisaska la Xajiiyay gudaha Kenya.

Wasiirka Caafimaadka ee dalkaasi, Muthai Kagwe ayaa sheegay in 8 qof laga helay Caabuqaasi, kuwaasi oo isugu jira Kenyaan iyo Muwaadiniin Shisheeye ah.

Wasiirka waxa uu hadalkaasi ka sheegay Shirkiisa Jaraa’id ee Maalinlaha ah, wuxuuna xusay in dhamaan 8-da qof ee laga helay Caabuqaasi ay yihiin dad dibedaha ka yimid, kuwaasi oo bishan Maarso 14-dii ilaa 17-dii ka soo degay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

Mar uu ka hadlayey Bukaanadda cusub dalalka ay ka soo kala jeedaan waxa uu tilmaamay inay 5 qof Kenyan yihiin, 2 u dhalatay Faransiiska iyo qof ka soo jeeda dalka Meksiko. Waxa uu intaasi ku daray in mid ka mid ah Bukaanadda u dhashay Faransiiska aysan xaalladiisa deganayn, sababo la xiriira da’diisa, iyadoo la dhigay Isbitaal ku yaalla Nairobi.

Wasiirka Caafimaadka ee dalkaasi, Muthai Kagwe waxa kale uu qiray inay ku raad-joogaan 363 Rakaab, kuwaasi oo xiriir la yeeshay 8-da qof ee laga helay xanuunkaasi.