Kenya oo ka hadashay in muwaadiniinteeda ay u safraan Soomaaliya

Maxkamadda sare ee Waddanka Kenya ayaa go’aan ka gaartay in aysan dambi ahayn in dadka kenyaanka ah ay u safraan Soomaaliya.

Wasaaradaha Amniga iyo gudaha Kenya ayaa horay u mamnuucay in dadka Kenyanka ah ee u safraya Somaliya.

Sidoo kale Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa Sanadkii 2012kii waxaa ay  meel mariyeen qaraar dadka Kenyaanka ah ka mamnuucaya Waddanka Somaliya in ay u safraan,waxaana qofkii u safra Somaliya loo aqoonsanayay in uu ku biirayo Al-shabaab haddii la qabtana uu xukunkiisa yahay 10 Sano oo xabsi ah.

Xeerkaas oo magaciisu ahaa la dagaallanka argagixisada ayaa waxaa ay dowladda u adeegsan jirtay Dadka Kenyaanka ah ee u safraya Somaliya.

Garsooraha Maxkamadda sare ee Kenya George Dulu,ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda uu yahay mid sharci ah muwaaddiniinta Kenyanka ahna ay u shaqo tagi karaan Soomaaliya iyaga oo aan marin laamaha socdaalka iyo jinsiyadaha ee dalka Kenya.

Dadka Kenyaanka ah ee ka shaqeysta Somaliya ayaa lagu qiyaasaa 20,000 oo Kenyaan ah,waxaana ay inta badan ka shaqeeyan Hoteellada,Sharikada Tignolojiyadda,Jaamacadaha iyo meelo kale.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)