Kenya Oo Jawi Kale Gashay//Nairobi Oo Cabsi Ka Jirto & Banaanbax Ruxaya Meelo Badan

War goordhaweyd naga soo gaaray magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Xaalad Cakiran laga cabsi qabo inay Waddankaasi oo dhan gasho.

Cabsida ayaa ka dhalatay Kadib Banaanbaxyo Waa weyn oo ka bilowday Galabta meelo ay Nairobi Caasimada Dalkaasi ka mid tahay.

Boqolaal Kun Qof ayaa iskugu yimid Fagaaraha Xoriyada Ee Uhuru Park iyadoo dadkaasi ay si weyn uga soo horjeedeen wax isdaba marinta Gudiga Doorashada Kenya ku dhaqmeen.

Shalay waxaa ku dhawaaqay inuu iska dhaafay ka qeyb galka Doorashada ku celiska ah Raila Odinga kadib Cabasho uu gudbiyey oo wax laga qaban waayey.

Meelo kale oo Kisumu ka mid tahay ayaa Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka NASA ilaa Caawa Dibad bax rabshado wata ay ka dhigayaan.

Ciiidanka Amniga Kenya ayaa heegan buuxa la geliyey si ay uga hor tegaan Xaalad Halis ah oo Banaanbaxayaashu geliyaan Nabad gelyada Waddanka,iyadoo Cabsi ka jirto Nairobi Soomaali badana ay deggan yihiin Dalkaasi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)