Kenya oo Doorashadii Farmaajo kadib ka noqotay Go’aankeedii…

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Joesph Nkaissery iyo Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradaasi, Karanja Kibicho ayaa lagu eedeeyey inay qaadeen Tallaabo aysan awood sharci u lahayn, kadib, markii ay amar ku bixiyeen in la xiro Xeradda Dhadhaab.

Maxkamadda Sare ee Nairobi ayaa ku gacan-sayrtay qorshaha Dowladda Kenya ku doonayso inay albaabadda u laabaan Xeradda Qaxootiga Dhadhaab, oo ay ku jiraan Tobanaan Kun oo Qaxooti Somali iyo kuwo kale.

Garsoore John Mativo ayaa ku eedeeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Joesph Ole Nkaissery iyo Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradaasi, Karanja Kibicho inay qaadeen Tallaabo aysan awood sharci u lahayn, kadib, markii ay amar ku bixiyeen in la xiro Xeradda Dhadhaab.

Garsooraha waxa kaloo uu shaacisay inuusan Dastuurka waafaqsanayn Tallaabadda Qaxootiga Soomaalida dib loogu celinayo dalkooda hooyo.

Dhinaca kale, Garsoore John Mativo waxa uu sheegay in Amarka lagu xirayo Xeradda Dhadhaab lahayn caddaymo ku aadan La-tashiyo lala sameeyo dadka ay dhibaatadda u kentay, isla markaana Amarkaasi xadgudub ku yahay Xuquuqda Dastuuriga ee ahayd in la soo marsiiyo Tallaabo Sharci oo caddaalad ah.

Hadalka Maxkmaadda ayaa lagu faafiyey Faafinta Rasmiga ee Dowladda Kenya (the Kenya Gazette), waxaana lagu caddeeyey inay Dib-u-celinta Qaxootiga tahay waxba kama jiraan.

Bishii May ee sannadkii hore, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joesph Nkaissery waxa uu shaaciyey inay Dowladda xiri doonto Xeradda Dhadhaab bisha November ee sannadkii 2016-kii, wuxuuna markii dambe sheeegay in 6 bilood kadib la xiri doono Xeradaasi oo ah tan ugu weyn Caalamka.

Hadalkiisa waxaa cambaareeyey Hay’adda QM ugu qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, Hay’addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch iyo Amnesty International.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadda ay Maxkamadda Sare ee Kenya ku laashay Go’aanka lagu xiri lahaa Xeradda Dhadhaab ayaa waxay nafis u tahay Qaxootiga oo iyagu si khasab ah lagu soo celin lahaa, Waxayna ku soo aaday Kadib Doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)