Kenya Ma Lagu Aamini Karaa Inay Golaha Amniga Ku Matasho Geeska Afrika !?

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo twitterka ugu hambalyeyay dowladda Kenya ayaa yiri, “waxaa rumeysanahay inay [Kenya] kusoo biirin doonto wax qiima leh doodaha Golaha Amniga muddada ay ku sugan tahay.” Kenya ayaa Khamiistii kaga guuleysatay Jabuuti 129 cod, kaddib markii mar kale uu codbixiyay Majliska Caamka ah ee Qaramada Midoobey.

Arbacadii June 17, 2020 midkoodna ma helin codkii looga baahnaa iyadoo Jabuuti ay heshay 78, Kenyana ay la timid 113 keliya. Balse waxaa muuqata in isku soo laabashadii Khamiista Jabuuti ay lumisay 16 cod. Xubinta musharraxa u ah Kursiga Golaha Amniga ayaa laga doonayaa inay hesho saddex dalool labo meel codka 193 dal oo xubno ka ah QM, taas oo u dhiganta ugu yaraan 128 cod.

Golaha Amniga waxuu ka kooban yahay 15 xubnood oo shan ka mid ah ay yihiin xubno joogta ah oo leh diidmada qayaxan ee “Veto,” kuwaas oo kala ah: China, France, Great Britain (UK), Russia iyo United States (US). Halka 10 xubnood oo kale loo qaybiyay qaaradaha addunka, sanadwalbana 5 ka mid ah loo tartamo.

Dalalka Hindiya iyo Mexico oo aan cidna kula tartamin kuraasta gobolladooda ayaa kala helay 184 iyo 187 cod. Waxaa kaloo 178 cod loogu doortay Volkan Bozkir inuu noqdo guddoomiyaha Kalfadhiga 75aad ee Majliska Caamka, inkastoo dalalka Armenia, Cyprus iyo Greece ay isku dayeen inay is-horistaagaan musharaxa Turkiga.

Balse waxaa baratan xiisa leh ka dhexdhacay dalalka Canada, Ireland iyo Norway oo ku tartamayey 2 kursi oo ay leeyihiin Galbeedka Yurub iyo Waqooyika Mareykanka. Halkaas waxay guusha ku raacday Norway iyo Ireland oo ka helay 130 iyo 128. Canada oo heshay 108 cod keliya, waxay guuldarradeedu astaan u tahay in siyaasaddeeda gargaarka caalamka aysan dunida la dhacsaneyn.

Xubnaha aan joogtada ahayn ee haatan ku fadhiga kuraasta Golaha Amniga ayaa kala ah, Belgium, Dominican Republic, Germany, Indonesia, iyo South Africa, kuwaas oo dhammaantood xilhayntoodii ay ku egtahay sanadkaan dhammaadkiisa. Halka dalalka Estonia, Niger, Saint Vincent and the Grenadines, Tunis, iyo Vietnam ay xilhayntoodu ku egtahay 2021.

Kenya xilhaynteeda labada sano ah waxay ka bilaabaneysaa January 2021 waxayna ku egtahay dhammaadka 2022. Inta badan Midowga Afrika waxuu musharraxa Golaha Amniga kusoo xulan jiray iskurraac wadar loo dhan yahay. Balse sanadkaan ururku waxuu ku guuldarraystay inuu helo musharax ay qaaraddu ku mideysan tahay, inkastoo Kenya ay sheegatay inay ahayd musharaxa Afrika.

Xagaagii dhawaa, guddi hoosaadka fulinta ee ururka Midowga Afrika ayaa si laga habboon yahay cod ugu qaaday Kenya iyo Jabuuti oo kala helay 37 iyo 13. Taasi waxay ka careysiisay dowladda Jabuuti oo codbixinta u aragtay meelkadhac inay ku ahayd qawaaniinta Midowga Afrika. Xulashada xubinta qaaradda ku mataleysa Golaha Amniga waxaa badanaa laga yeelan jiray wadaxaajood hoose, si dunida loogu muujiyo weji midaysan.

Afrika waxay golaha ku leedahay saddex kursi oo laba ka mid ah ay ku kala fadhiyaan Niger iyo Tunis. Kenya waxay dejisatay olole ay ku baabbi’inayso fursadda Jabuuti iyadoo ku doodday haddii la siiyo Jabuuti, qaaradda ay meteli doonaan seddax waddan oo ah “francophone.” Balse qiilkaas waxaa buriyay, in sanadkii 2001 dalalka Mali, Mauritius iyo Tunis oo gebigood ku hadlay afka Fransiiska ay mateleen Afrika.

Warka Kenya waxay ula dan lahayd inay ku “dhiillo dareensiiso” dalalka ku bahoobay Commonwealth. Intaas kuma ekeysan ee Kenya waxay ku ololeysay in Shiinaha uu taageereyo Jabuuti, si dalalka reer galbeedka ah ay tashwiish ugu furto (shaki). Inkastoo Kenya ay tahay xuddunta ganacsiga iyo maalgashiga Shiinaha ee Afrika, haddana Shiinahu waxuu ka fogaaday inuu midkood si cad u taageero.

Si kastaba ha ahaate waxaa muuqday in dowladda Kenya ay si gurracan u adeegsatay awooddeeda dhaqaale iyo diblomaasiyadeedba, si ay u hesho kursiga QM. Wargeyska Weekly Citizen ayaa shaaciyay fadeexo la xiriirta laaluush ay dowladda Kenya ku bixisay wakiillada joogtada ah oo fadhiya QM iyo Midowga Afrika.

Dhinaca kale, labada dalba waxay ku ololeyeen doorka ay ku leeyihiin xasilinta Soomaaliya iyo xiriirka midowga Afrika. Kenya waxay sheegatay in qaxooti fara badan oo Soomaali iyo Konfur Sudan ah ay dalkeeda ku martiggeliso, iyadoo weliba qayb ka ah ciidamada AMISOM.

Haseyeeshee, Jabuuti waxay ka gaabisay inay Kenya ku tirto carqalad ay ku heyso nabada iyo amniga guud ee Geeska Afrika, iyadoo si joogta ah ugu xadgudubto Axdiga QM iyo kan Midowga Afrika. October 2011, Kenya waxay Soomaaliya ku soo gashay si sharci darro ah iyadoo weliba dad iyo duuyaba ku xasuuqday.

Ciidanka Kenya ay joogga Soomaaliya waxaa lagu qiyaasayaa ilaa 4,300 askari oo isugu jiro kuwo gadaal looga daray AMISOM iyo kuwo kale. Intaas waxaa dheer in Kenya ay ku lug leedahay shabakadaha dhuxusha dhoofiya iyo ganacsiga sokorta suuqa madow lagu geliyo gudaha Kenya, oo ah isha ay daqliga ka hesho Ururka Al-Shabaab.

Ilaa hadda Kenya jawaab kama celin warbixintii QM ee November 2019 ee la xiriirtay weerarrada ciidamadeeda ku naafeenayaan dhaqaalaha Soomaaliya. Tan iyo February 2019, waxaa sii xumaanayay xiriirka ka dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi oo khatar dheeraad ku ah xal u helidda xiisadaha gobolka, kana hortimid danaha amniga labada dal iyo dadaalka beesha caalamka.

Inkastoo walaac laga qabo in Kenya ay fursad saameyn ku yeelan doonto ajendaha Golaha Amniga una abuuri karto dhibaatooyin Soomaaliya, haddana dowladda Soomaaliya ma horjoogsan musharraxnimada Kenya iyadoo isticmaaleyso habka isbahaysiga caalamka, taas oo horseedi lahayd dagaal diblomaasiyadeed oo dhaawaca danaha labada dalka. Balse su’aasha taagan ayaa ah, Kenya ma lagu aamini karaa mas’uuliyada matalaada Geeska Afrika ee Golaha Amniga?

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim