KASHIFAAD:Cumar Filish oo soo saareysa go’aano ka dhan ah guryaha siyaasiyiin caan ah

Maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu waramayaa in uu soo saarayo go’aano ka dhan ah guryo ay degan yihiin siyaasiyiin caan ah.

Gudoomiye Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish] ayaa qorshaha uu ku beegsan doonto siyaasiyiin mucaaradka ah.

Sidoo kale, waxaa intaas wehlisa in la joojin doono dhamaan isu socodkii gaadiidka wadooyinka soo gala guryaha.

Go’aanadan oo sida ugu dhaqsiyaha badan u soo bixi doono ayaa waxaa gedaal ka riixeysa Madaxtooyadda Soomaaliya.

Siyaasiyiinta la beegsan doono ayaa waxaa kamid ah Axmed Macalin Fiqi, Muuse Suudi Yalaxow iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Tani ayaa imaaneysa iyadda oo cadaadiska ay dowladdan kala kulmeyso mucaaradka uu meeshii ugu sareysa gaaray.