KASHIFAAD: Wax ka ogow su’aallaha illaa iyo haatan la waydiiyey Janan iyo jawaabaha uu bixiyey

Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur [Janan] ayaa tan iyo Sabtidii [31-ka August] wuxuu dowladda Soomaaliya ugu xiran yahay magaaladda caasimadda ee Muqdisho, isaga oo aanan maxkamad lasoo taagin.

Illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Janan tan iyo markii xorriyadda laga qaadey uu wajahayo su’aallo waydiimo kuwaasi oo ay ku sameynayaa saraakiil ka tirsan ciidanka booliska.

Su’aalaha oo ay waydiinayaa shaqsiyaadka wejiga u daboolan kana mid ah xubnaha ugu sar-sareeya booliska ayaa waxaan helnay qaar kamid ah waydiimaha la hor-dhigay iyo jawaaha uu ka bixiyey nuxurkooda.

Ugu horeyn, Janan oo la waydiiyay ujeedada sodaalkiisa Addis Ababa ayaa wuxuu ku sheegay kulamo uu la lahaa mas’uuliyiinta ammaanka wadankaasi, isaga oo sheegay in uu kala xaajoon lahaa amniga iyo siyaasadda.

Sidoo kale, waxaa la waydiiyay waxa uu kala socda dhibaatooyinka ay ciidamada Kenya ka geystaan gobolada Jubbaland oo ay ugu dambeysay burburinta xarun isgaarsiin, taasi oo uu xaqiijiyey in ay ka dambeeyeen xoogaga Kenya.

Si lamid ah, mas’uulkan ayaa waxaa la hordhigay su’aal ku saabsaneyd waxa uu ka ogyahay dambiyadda isaga loo haysto oo ay kamid tahay dilal qorsheysan iyo kuwa siyaasadeysan, waa uu dafiray dhamaantooda.

Ugu dambeyntii, waxaa waxaa laga wareysatay xiriirka Axmed Madoobe iyo Kenya, su’aashaasi oo gabi ahaanba uu diiday in uu wax jawaab ah ka bixiyo, isaga oo ku adkeystay in uu ka hadli karin.

Sikastaba ha ahaatee, ma cadda hadii ay u harsan yihiin su’aallo kale oo dheeraad ah, waxaana madaxda ugu sareysa waddanka ay kawada xaajoonayaa xaalada Janan iyo waxa laga yeeli lahaa, sida aan xogta ku helnay.