KASHIFAAD: Wada hadal qarsoodi ah oo u socday Axmed Madoobe iyo Seeraar oo hal arrin u fashilmay

Macluumaadyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wada hadal qarsoodi ah oo u socday Axmed Madoobe iyo Cabdinaasir Seeraar ay kusoo dhamaadeen natiijo la’aan.

Wada xaajoodyadda ayaa waxaa kasoo shaqeeyay odayaasha dhaqanka labadda dhinac, kuwaasi oo doonayey in ay isku soo dhaweeyaan.

Xogta la helayo ayaa intaasi ku dareysa in burburka wada hadalka uu yimid markii Axmed Madoobe uu diiday shuruudo la hordhigay.

Shuruudaha ayaa waxaa lagu waramayaa in ay ugu horeeyaan in Seeraar isaga uu soo xusho qofka noqonaya Taliyaha Booliska Jubbaland.

Balse, Axmed Madoobe oo gebi ahaanba diiday soo jeedintaasi ayaa waxa uu meesha ka saaray in uusan bixin karin jago dhanka ciidanka.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa socda dedaalo la isugu soo dhaweynayo labadda dhinac, isla markaana xal waara loogu gaari lahaa.

Axmed Madoobe iyo Seeraar ayaa midkoodba wuxuu sheeganayaa in uu yahay madaxweynaha Jubbaland, kadib doorasho ka dhacday Kismaayo.