KASHIFAAD: Somaliland oo sanduli ku qaadatay mashruuca Injineer Yariisow

Maamulka Somaliland ayaa lagu qasbay in uu aqbalo mashruuca loogu magac-daray Injineer Yariisow, kaasoo laga fulinayo magaalooyinka Berbera iyo Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen illo lagu kalsoon yahay.

Mashruucan oo qaybtiisa caasimadda Soomaaliya lagu dhisayo wadooyin ayaa waxaa ku baxeysa in ka badan 200 milyan oo dollarka Mareykanka, halka qeybtiisa Berbera lagu horumarinayo adeegyada dowliga ah.

Nicolas Berlanga, wakiilka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, kaasoo ururkiisa uu maalgelinayo mashruucan, ayaa booqday magaaladaas kahor inta uusan tagin Hargeysa, caasimadda maamulka gooni u goosadka ah.

Warar xog ogaal ah ayaa qeexaya in mas’uuliyiinta Somaliland ay ogolaadeen mashruucaas, wallow ay markii hore diideen ayna ku adkeystay in ay doonayaa in magaca laga bedelo si loga fuliyo degaanadooda.

Sikastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo sanadkii 1991-dii, balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul hoostaga dowladda federaalka ah ee fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho.