KASHIFAAD: Qorshaha “Afgambi” ee Farmaajo damacsan yahay(Sir Cusub)

Madaxwaynaha maamulka Puntland Siciid Cabudllaahi deni oo caawa khudbad ka jeediyey Munaasibad ka Qabsoontay magaalada Garoowe, ayaa siwayn uga hadlay xaalada guud ee Soomaaliya , Arinta Doorashada, Khilaafka hadheeyay, Kulamadii hore u qabsoomay iyo Arimo gaar ah oo dhexmaray isaga iyo Madaxwayne Farmaajo.

Siciid Deni ayaa madaxwayne Farmaajo ku eedeeyay inuu doonayo inuu Soomaaliya ku xukumo Xeelad iyo Xoog, Wuxuuna tilmaamay in Shirkii Dhuusamareeb u Burburay Arinta gobolka Gedo, oo Madaxwayne Farmaajo lasoo marsiin waayey.

Wuxuu ku dooday siciid deni inuu Arintaasi ugu istaagay sidii uu Xal waara uga gaadhi lahaa, islamarkaana uu la hadlay waxgaradka iyo siyaaiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo, kalana uu Axmed Madoobe kala hadlay, Balse markii dambe hadana uu Madaxwayne Farmaajo diiday.

Siciid deni sidoo kale wuxuu dhaliilay ciidamada Soomaaliyeed, ee GORGOR iyo Haramcad wuxuuna tilmaamay inaysan dalka u Qaban wax muuqdo, balse ay howlgalo ka fuliyeen Galmudug , Gedo iyo Daljirka dahsoon, Wuxuuna muujiyey Cabsi wayn oo uu ka qabo isagu ciidankaasi, isagoo xitaa sheegay inuu ka baqayo in lagu sumeeyo magaalada Muqdisho.

Ciidamadaas oo Turkiga uu tababaray oo kala ah Gorgor iyo Haramcad waxay ka amar-qaataa Villa Soomaaliya gaar ahaan sarkaal ay isku heeb yihiin Farmaajo oo Deni hoosta ka xariiqay “in uu dhisayo nidama kelitalis ah”.

Siyaasiyiin badan ayaa horay madaxweynaha muddo xileedka dhammaystay ee Maxamed Farmaajo ku eedeeyay inuu ku jiro abaabulka sidii uu dalka ugu la wareegi lahaa awood ciidan, taas oo dadka badi aynaan aaminsanayn maadaama ciidanka Soomaaliya laftoodu ay ku dhisan yihiin awood qeybsiga beelaha habka 4.5-ta.