KASHIFAAD: Min Sedex Qodob oo ay Qasab tahay inaad Ku taageerto ama Ku diido in Farmaajo noqdo Madaxweynaha Soomaaliya

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sanadkiisii labaad ah musharax utaagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ilaa haatan uu yahay musharax dadweyne.

Hadaba Waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa sedex qodob oo ay tahay inaad ku doorato Farmaajo iyo Sedex Qodob oo ay tahay inaadan ugu aaminin xilka madaxweynaha dalka

Sedex QODOB oo lagu dooran karo Farmaajo

1- Wadani Shacab: Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ah musharaxa haysta codka taageerada shacabka Soomaaliyeed hadii ay dhici laheed doorasho hal qof iyo hal codna waxaa uu shaki la’aan heli lahaa xilka madaxweynaha.

2- Masuul la tijaabiyay: Qofna shaki ma gelin karo in Musharax Farmaajo uu wax badan qabtay xiligii uu ahaa RW Soomaaliya, waxaana hadii uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya ay ka dhigan tahay in rajo intaas ka badan dalka gelin karo

3- Khudbadiisii Musharaxnimada: Ka sokow inuu hadalo badan ka yiri arimaha amaanka iyo la dagaalanka AlShabaab, waxaa uu sheegay inuu noqon doono madaxweyne nabadoon ah kaas oo dalka ku xalin doona sida oday dhaqameed, waxaa uu sheegay inuusan dalka u ogolaan doonin shisheeye dano gaar ah leh

Sedex Qodob oo ay tahay Inaanan lagu dooran Farmaajo

1- Wadani Cararaya: Shacabkiisa ayaa taageero buuxa uhayay sanadkii 2011-kii markaas oo uu xilka iska casilay, hadiiba uu cararayo marka ay xaalad noocaas ah jirto ma ahan in xil lagu aamino.

2- Inuusan laheyn Taageero siyaasadeed: Musharax Farmaajo ma haysto taageero siyaasadeed, sidaas darteed dad badan ayaa rumeysan inuusan xiligan noqon karin madaxweynaha Soomaaliya

3- Ma Hayno Qodob kale Hadaad Haysana qeybta Hoose inoogu reeb


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. bashka maxamed says:

    runti qod in lagusodaro maaha ee waaa in inbadan meshan wanagisa loga waramo waa halyeey somaliyeed oo wadani ah ilahy dalka mar gacanta haugaliyo farmajo

  2. Bashiir Soomaali says:

    Farmaajo waa Qofka u mudan 24 Musharax, Balse waa lagama Maarmaan in la sheego Dhaliilihiisa, waa Wadani Laab la Kac leh Degdeg ku jiro Seef la boodnimo aan is qarin karin, taas oo Cadowga Soomaaliya akhrisan karaan siyaasadiisa ama Fal Celiskiisa.

  3. suleiman bare says:

    farmajo wa halka nin an kuamini laheyn dalkena xorimadena somaliyed wa wadani somaliyed wana halka nin ee badali lahaa mohamed siyad bare Allaha unaxaristeee mar kasta mar walba Allaha ayan ubaryeyna in madaxweynaha somalia no qabto mohamed cabdullahi farmajooooo