KASHIFAAD: Mareykanka Oo Labo Far Hordhigay Deni & Madoobe

Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Dawlada Mareykanka ay Cadaadis ku heyso Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo caqabad ku noqday Hanaanka Doorashada Soomaaliya.

Safiirka USA Ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa waxa uu Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ku bilaabay si ay Taakada Doorashada ku hayaan ku joojiyaan.

Yamamoto ayaa Fariin culus gaarsiiyey Deni iyo Madoobe oo laga yaabo in Muqdisho soo gaaraan Maalmo kadib ayna uga qeyb galaan shir ka dhacaya Xalane ama Villa Soomaaliya.

James Swan oo Mareykanka kasoo jeeda ahna Wakiilka Gaarka ah Ee QM uqaabilsan Soomaaliya ayaa warkiisa guuldaro ubatay dedaalkiisii Nabadeed uu ka waday Saamileyda Soomaalida Ee Doorashada ku aadanaa.

Danjire Yamamoto ayaa markaan qaadaya Wadiiqadii udambeysay oo Soomaaliya Doorasho lagu gaarsiin lahaa,islamarkaana Hanjabaad hordhigaya cid walbo oo hor istaagta.

Qorshaha muuqda ayaa ah in Farmaajo uu diyaarinayo Warqad muhiim u ah Doorashada iyo in bilo kooban xukunka ku darsado.