KASHIFAAD: Heshiiska Sheekh Shariif iyo Farmaajo ee doorashadda Galmudug

Warar lagu kalsoonaan karo oo uu helay warsidaha Warqaad ayaa daboolka ka qaadaya in madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Axmed, uu hogaamiyaha haatan ee dalka, Maxamed Farmaajo ay is afgarad ka gaareen doorashadda Galmudug.

Heshiiskooda oo ka kooban dhowr qodob oo mid walba uu hoos u imaanayo faracyo kala duwan ayaa waxaa nuxurkiisu yahay in xisbiga Shariif uusan qeyb noqon olale walba oo ka dhan ah Villa Soomaaliya.

Taasi bedelkeeda, waxaa Shariif loogu yaboohay in hadii doorashadda soo aadan uu la yimaado ama uu helo taageero ka badan inta uu helo Farmaajo hadii uu isaga soo taago uu dhankiisa ugu shubi doono.

Xogo muhiim ah oo aad loogu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale waxay qeexayaan in Shariif loo balanqaadey in inta lagu guda jiro xaaladaha kala guurka xubno kamid ah xisbigiisa loo magacaabi dooo jagooyin ay ku helayaan dhaqaalo badan.

Sikastaba, Sheekh Shariif ayaa codkiisa ku taageeray Farmaajo doorashadii ugu dambeysay ee 2017-dii, taasi oo u suurtogelisay in uu wareega labaad ku garaaco Xasan Sheekh Maxamuud.