KASHIFAAD COD AH: Muun-gaab Oo Arimo La Fileyn Ka Bilaabay Muqdisho iyo Beeshiisa Oo Runta U Sheegtay

Gudomiyihii Hore Ee Maamulka Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muun-gaab ayaa waxa uu ka wadaa muqdisho Arimo isaga ugaar ah.

Baahin.com ayaa heshay Khabar ah in Muun-gaab uu raadinayo fursad lacago uu kaga sameyn karo Xamar oo ah Magaalo dhaqaale badan laga heli karo.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA xogta

Waxa Muun-gaab uu sheegay in Shirkad Hilibka uu doonayo ka hirgelinteeda Xamar balse ay dhowr jid ay ku qaadatay in loo fasaxo.

Warshadaan ayaa xitaa waxay noqon laheyd mid Shaqo Abuur ay ka heli lahaayeen dhalinyaro badan oo Hadda Baaga muudo ku ah Meelo kala duwan oo Waddanka ah.

Beeshiisa Odayaal katirsan ayaa Muun-gaab runta usheegay ayna ku yiraahdeen Xamar Amnigeeda waa la og yahay iyo in loo beegsado qaab qabyaalad ku jirto sidaa awgeedna uusan hadda wax tallaabo ah qaadin oo qorshihiisaasi ah fulintiisa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay