Home WARARKA Kala Duwanaanta Saacadaha Dalalka laga Soomayo Dowladaha Islaamka iyo kuwa caalamka

Kala Duwanaanta Saacadaha Dalalka laga Soomayo Dowladaha Islaamka iyo kuwa caalamka

102
0

Warbixintaan waxa ay ka hadleysa kala duwanaashiyaha Saacadaha Wadamada kala duwan laga soomayo, iyo inta saac ay kala horeeyaan Dalalka.

Jaziiradda Comoros ee Dhacda Bariga Afrika waxaa laga soomaa 12-Saac iyo 37-Daqiiqo, Aljazeeria dhacda Waqooyiga Afrika 15-Saac iyo 45-Daqiiqo, Canada oo dhacda Waqooyiga Ameerika waxaa laga soomaa 19-Saac iyo 57-Daqiiqo.

Xogtaan oo uu Uruuriyay Wargeyska Alayam oo kasoo baxa Magaalada Manama ee Caasimadda Bahreyn ayaa dhanka Australia oo ku hareereesan Badweynta India iyo Pacific waxaa laga afxirnaanaa 11-Saac iyo 59-daqiiqo.

Qeybtaan waxaa uu Wargeyska ku Qeexay Dalalka ugu Saacadaha gaaban iyo kuwa ugu dheer ee laga Sooma Bisha Ramadaan.

Soomaaliya 13-Saac iyo 27-Daqiiqo, Yemen 14-Saac iyo 7-Daqiiqo, Suudaan 14-Saac iyo 8-Daqiiqo, Muritaaniya 14-Saac iyo 16-Daqiiqo, Saldaladda Cumaan 14-Saac iyo 37-Daqiiqo, Boqortooyada Sacuudiga 14-Saac iyo 41-Daqiiqo, Iyo Isku Tagga Imaaaraatka Carabta oo isna ah 14-Saac iyo 41-Daqiiqo.

Qeybtaan waxaa iyanna ku jira Dalal kale oo Dhowr ah Waxa ayna kala yihiin:-

Bahreyn 14-Saac iyo 49-Daqiiqo, Kuwait 15-Saac iyo 4-Daqiiqo, Masar 15-Saac iyo 7-Daqiiqo, Falastiin 15-Saac iyo 15-Daqiiqo, Urdun (Jordan) 15-Saac iyo 17-Daqiiqo, Ciraaq 15-Saac iyo 24-Daqiiqo, Morocco 15-Saac iyo 25-Daqiiqo, Siiriya 15-Saac iyo 25-Daqiiqo, Lubnaan 15-Saac iyo 27-Daqiiqo, Liibiya 15-Saac iyo 31-Daqiiqo, iyo Tunisiya 15-Saac iyo 45-Daqiiqo.

Qeybtaan waxaa ku jira dalal kala duwan:-

Iceland 19-Saac iyo 22-Daqiiqo, Norway 19-Saac iyo 19-Daqiiqo, Sweden 18-Saac iyo 56-Daqiiqo, Russia 18-Saac iyo 29-Daqiiqo, Denmark 18-Saac iyo 26-Daqiiqo, England 18-Saac iyo 9-Daqiiqo, Argentine 11-Saac iyo 57-Daqiiqo, Mareykanka (USA) 16-Saac iyo 4-Daqiiqo, Hindiya (India) 14-Saac iyo 59-Daqiiqo, iyo wadanka ugu dambeeya oo ah Malaysia 13-Saac iyo 22-Daqiiqo.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here