Kala Carar Xalay Ka dhacay Degmada Afgooye iyo Taliyaha Booliska Oo Hanjabaad Soo Diray

Ciidanka Dawlada Soomaaliya ayaa waxaa ay Howlgal Ballaaran ka sameeyeen Xaafado ka mid ah Degmada afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Waxa Howlgalkaasi uu ahaa mid Amniga lagu Xaqiijinayey kadib Weerar Koox Hubeysan ay fuliyeen oo shalay galab lagu khaarajiyey mid ka mid ahaa Ganacsatada Degmada Afgooye oo goobtiisa lagu dhex dilay.

Inkastoo aan la sheegin dilka qolyaha geystay hadana waxaa dadka goob joogayaasha ahi ay sheegeen inay carareen markii ay dilkaasi geysteen.

Taliyaha Booliska Degmada Afgooye C/qaadir Cusmaan Mursal ayaa warbaahinta usheegay inay raadinayaan weli kooxdii dilka fulisey kuna Eedeeyey in Al Shabaab ay yihiin Maato leys oo goobaha ay ka dhaw yihiin ciidanka Dawlada waxba ka sameyn karin.

Marar badan ayaa Afgooye waxaa soo weeraray Ururka Al Shabaab oo ay Hub iyo Saanado ka qaateen Bilo is xig xigay Sanadkii hore 2017-kii xilli Maamulka Degmada Afgooye ay ku faanayaan inay awood u leeyihiin iska caabinta Kooxaha Amniga Lidiga ku ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay