kaamirooyinka loo yaqaan CCTV, oo Wadooyinka Muqdisho Lagu Xiray+Sababta

Wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa markii ugu horeesay waxaa lagu xiray kaamirooyinka loo yaqaan CCTV, si loola socda dhaq dhaqaaqa ka socda laamiyadaasi.

Kaamirooyinkan ayaa lagu xiray baalooyin iyo goob kae oo kuyaala Laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoosyada Dabka iyo KM-4, waxaana kaamirooyinkan ay duubayaan dhaq dhaqaaqyada ka socda wadooyinkaasi.

Qorshaan Kaamirooyinka loogu xiray Wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa lagu doonayaa in lagu xoojiyo amaanka caasimada inta ay socdaan Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo dhaceysa 8-da bishan.

Kaamirooyinkan ayaa sidoo kale lagala soconaa gawaari looga shakiyo in ay waxyaabaha qarxa ay wadaan ama howlo amaan daro ku howlan yihiin, waxaana kaamirooynkan dhaq dhaqaaqooda si toos ah ula socda dad aqoon u leh oo loogu tala galay in ay ogaadaan waxa socda.

Wadamada Caalamka ayaa intooda badan waxaa wadooyinka ku xiran Kaamirooyin lagala socon karo dhaq dhaqaaqa wadooyinka ka jira si amaanka loo xaqiijiyo, lamana oga in Kaamirooyinkan ay sii shaqeyn doonaan marka ay soo dhamaato doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)