Jidka ugu sahlan ee loo mari karo Midowga ama kala go’a Somalia & Somaliland..!

Dowladda Soomaaliya, dowladaha deriska, iyo kuwa caalamka inta aan la soo abaabulin shirka waxey madaxda Somaliland si mutuxan ugu sheegeen wadahadalku inuu ku saleysan yahay midnimo oo aysan jirin doorasho kale ama dood kale oo dhankooda u furan oo ka baxsan waxyaabaha la xiriira midnimada. Iyagoo sidaas og in mowduuca wadahadalka uusan quseynin ictiraaf iyo gooni u goosasho ayey miiska wadahadalka la yimaadeen kalabax aan isku soo noqosho lahayn iyo umuliso la timid shandad ay ka buuxaan lafo dad oo aan la garaneyn xabaalaha ay kala soo baxday. Madaxda Somaliland waxey ogaayeen ineysan diyaar u ahayn midnimo, waxeyna sidoo kale ogsoonaayeen Soomaaliya ineysan diyaar u ahayn ogolaansho ay ku ictiraafto goosashadooda, marka iyagoo sidaas wax u og maxay shirka ka soo dooneyn!!!

Somaliland waxey shirka u timid iney fashiliso go’aan qaadasho aysan awoodin madaxda labada dhinac oo ay ku adag tahay maslaxad dhexdhexaadnimo iney u soo qaadaan labada shacab oo ay kala metelayaan, maxaa yeelay madaxda waxaa meesha isugu keenay cadaadis uu wato shisheeyuhu, laakiin ma ahayn fikrad ay labada shacab ka timid oo kulan wada hadala ay ku heshiiyeen, taas oo u baahan metelaada dhabta ah ee qeybaha kala duwan bulshooyinka ku nool deegaanada waqooyiga iyo koofurta. Somaliland ma ogola iney hogaamiyeyaasha dhaqanka, culimada, iyo ururada bulshada labada dhinac ay wada hadlaan, sidaas oo ay tahayna madaxda Soomaaliland geesinimo uma leh go’aan dowladnimo oo maslaxada guud ka turjumaya iney ula tagto shacabkeeda oo ku qanciso waxa lama huraanka ah ee ay ugu soo qaadeen qadiyadooda.

Dowladda Soomaaliya shirka Jabuuti maxey ugu noqoneysaa oo ugu harsan?

Soomaaliya waxey ku hungowday qadiyadeeda midnimada oo ay uga qeybgashay shirkii Jabuuti, wax intaas ka duwan oo ay shirka mar kale la tageyso ma jirto, Somalilandna wax ictiraaf ka duwan oo ay mar labaad la imaaneyso ma jirto oo weliba sida ka muuqata dareenkooda go’aan qaadashada waxey shaki badan ka qabaan in madaxda Soomaaliya ee hadda jirta aysan lahayn miisaan culus oo go’aanada masiiriga ah ay uga dhex fulin karaan shacabka koofurta Soomaaliyeed oo sida daran u qeybsan, aamin badana aan ku sii qabin madax xukunkoodu uu yahay gabal ka sii dhacaya siyaasadda Soomaalida. Somaliland waxey yaab kala kulantay madaxda soomaaliyeed oo mucaaradkoodana si walba u caburiyey iney ka codsadaan iney si dimoqaraadiyad ah ula dhaqanto mucaaradkeeda koofurta u soo baxsaday. Waxey kaloo la yaabtay markii ay u soo bandhigeen jagada madaxweynenimada oo dartiis ay reer koofureedku dhiig badan isaga daadsheen, si sahalana aysan macqull ugu ahayn doorasho la’aan in beel cabashadeeda hibo loogu siiyo, waxaana taas u xigtey qaadashada caasimadda oo ah go’aan adag oo hadda oo ay Soomaalidu qeybsan tahay aan sina suurtogal ku ahayn.

Somaliland shir kasta oo ay la gasho Soomaaliya waxaa hor yaala qaadasho aan ka badneyn xuquuqda goboladooda, mana dhici karto qoondo gaara oo ay saami u yeelan karaan. Marka ay sidaas ugu muuqato dhamaadka loogu faataxeysanayo midnimada hogaankeedu wuu garan karaa shirarkaas aan niyada ahayn oo lagu soo sasabayo inuu ku soo biyo shubanayo in mar labaad la isku soo noqdo, wax walbana ay sidoodii hore dib ugu soo noqdaan. Marka laga soo tago salaanta iyo ismarxabeynta aan niyadsamida lahayn ee labada dhinac la isugu munaafaqeynayo ma jirto sabab caqli gala oo Somaliland iyo Somaliya ay dib isugu soo noqdaan shir ay ku heshiinayaan madaxda siyaasadeed ee labada gobol ee koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Talo muhiim ah

Somaliland iyo Soomaaliya wadahadalkoodu wuxuu go’aan ka gaaristooda ka imaan karaa shirweyne ay ku wada kulmaan madaxda dhaqanka, culimada, iyo ururada bulshada oo si daacada u wada hadla iydoon lagu kala dhexjirin ama aysan jirin cadaadis dibeda ah oo ku qasbaya go’aano loo soo meeriyey, markaas ka dib ayaa waxaa furmaya doorka madaxda siyaasadeed oo ku yimid rabitaanka shacabkooda go’aanada masiiriga oo ay u soo qaadi karaan shacabkooda, taas oo aqalada baarlamaanka ay si aqlabiyad leh iskula ogolaan karaan. Ha hilmaamin Somaliland in halheyskoodu yahay ” guurti aan gunta hoose ka soo bilownay ayaan guushan ku gaarney.” Taas oo macnaheedu yahay in shacabka Somaliland aysan lahayn biseyl ay talada dowladu ku socoto, laakiin cida dhab ahaantii taladu ka go’do ay tahay hogaamiyeyaashooda dhaqanka.

Waxaa qoray: Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Maine, Texas, USA