Jawaari Oo Caddeeyay Dhalashada Muwaadin Norway Ku Haysato Soomaalinimadiisa

Warqad uu u diray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cusmaan Jawaari qareenka u dooda Mahad Abid Mahamud oo ah muwaadin soomaaliyeed oo dhalashadiisa soomaalinimada mugdi ka gelisay dowladda Norway  ayaa waxaa uu ku caddeeyay in Mahad uu Soomaali dhalad ah yahay.

Qareenad Elise Nygård ayaa warbaahinka Klassekampen oo ah jariirad kasoo baxda dalkaasi Norway u sheegtay in ay soo gaartay warqad ka timid guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari taas oo caddeyneysa dhalashada mr. Mahad islamarkaana ay caawin u noqoneyso kiiskiisa.

Warqadda ay heshay qareenada ayaa waxaa sidoo kale lagu caddeeyay in aabaha Mahad uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada cirka Soomaaliya uuna Mahad ku dhashay xerada ciidamada cirka ee magaalada Muqdisho.

Mahad ayay dowladda Norway ku eedeysay ka been-sheegid halka uu kasoo jeedo, waxaana ay sheegeen in uu dhalasho ahaan kasoo jeedo dalka Jabuuti sidaasna ay ugala laabteen sharciga 17 sano kaddib.

Waxa ay u badan tahay in warqadda Prof. Jawaari uu ku cadeeyay dhalashada Mahad ay caawinaad u noqoto kiiska Mahad maadaama Prof. Jawaari qudhiisa uu dalkaaso Norway ku noolaa 19 sanadood, ka siyaasi ahaana la qadariyo.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)