JAWAARI oo afduubtay Kulamadii Baarlamaanka iyo sida uu Caqabad soo taagan ugu noqday dhismaha Golaha Wasiirada:Aqrii Docomenta

Fadhiyadii Golaha Baarlamaanka Federaalka ayaa xanibay kadib markii Xildhibaanadii iyo Guddoonka Baarlamaanka ku mashquulan dhismaha Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre.

Xildhibaanada ayaa habeen iyo maalin waxay hor dhooban yihiin Xafiiska Madaxwynaha iyo kan Ra’iisal Wasaaraha iyagoo xilal u raadinaya beeshooda waxayna gabeen dantii guud waxayna horumarinayaan dantii gaar ahaaneed.

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waqtigiisa badan waxaa uu gelinayaa sidii sii haayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Fargeeti ugu dhigi lahaa Wasiir ka tirsan Xukuumadda cusub.

Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan musuq maasuqa, ku tumashada sharciga dalka ee Gudoomiye Jawaari iyo in uu caqabad ku noqday hawlihii shaqo ee R/wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo gabi ahaanba ah mid sharciga dalka u yaala baalmarsan.

Ma jiro Xildhibaanada wax kulan ah oo yeelanayan,jadwalka baarlamaanka oo noqday aan ka war sugno dhismaha Golaha Wasiirada iyo dano gaar ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay