Janaraal katirsan Militeriga DFS oo Cashir udhigay Kooxo doonayay Iney dilaan (Akhri)

Sargaal katirsan militeriga Soomaaliya ayaa si weyn isaga caabiyay kooxo hubeysan oo weerar kusoo qaaday gudaha magaaladda Muqdisho.

Janaraalkan oo lagu magacaabo Amiin Sayid Barakow ayay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen si ay udilaan hase ahaatee waxaa uu isaga difaacay Bastoolad uu watay.

”Kooxo hubeysan ayaa Janaraalka weerar kusoo qaaday isagoo gaari watay, kadibna wuu iska caabiyay waana baxsadeen kooxdii”sidaas waxaa sheegay qof kamid ah dadkii goob jooga ahaa.

Janaraalka ayaa dhaawac yar uu soo gaaray, laakiin xaaladiisa waa ay wanaagsan tahay sida lasoo sheegayo.

Gen. Amiin Sayid Barakow ayaa kamid noqonaya xubnaha darajada sare ee ciidamada xooga dalka kuwaas oo si toos ah ula dagaalama kooxaha dhibaatada dilalka ah ka wada magaaladda Muqdisho

Warkan ayaanan uwanaagsaneyn ciidamada xasilinta Muqdisho, kuwaas oo intii ay hubkii ka dhigeen militeriga hadana aanan sugeyn amaankooda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay