Iiraan oo Sabab lama filaan ah AhmedNajaad ugu diiday inuu Madaxweyne Noqdo & Liiska Musharaxiinta oo lasoo saaray

Wasaarada arimaha gudaha  Iran ayaa kku dhawaaqday shaqsiyaadka sida rasmiga ah uga tartami doona doorashada madaxweynaha dalkaas ee dhawaan dhaceysa.

Hase ahaatee arinta layaabka leh ayaa ah in madaxweynihii hore ee dalkaas Axmed Najaad laga saaray musharaxiinta kadib markii laga mamnuucay inuu doorashada kasoo qeyb galo.

Shaqsiyaadka loo ogolaaday iney Xilkaas isku soo sharaxaan waxaa ay kala yihiin

Mostafa Aqa-Mirsalim

Mostafa Hashemi-Taba

Es’haq Jahangiri

Mohammad-Baqer Qalibaf

Seyyed Ebrahim Raeisi

Hassan Rouhani

Lixdan musharax ayaa laga soo dhex xulay ku dhawaad 1,600 (kun iyo lix boqol) musharaxiin ah kuwaas oo ku loolamayay jagada madaxweynaha Iiraan.

“Waxaan qaadanay go’aankii ugu dambeeyay ee shaqsiyaadka ka qeyb gali doona doorashada madaxweynaha” ayaa lagu yiri war laga sii daayay Tv-ga qaranka Iiraan

Olalaha doorashada ayaa loo ogolaaday iney musharaxiinti haatan ay bilaabi karaan waxaana doorashada dalkaas ay dhici doontaa  8 a.m. May 18 ee sanadkan

In liiska laga saaro  Mahmoud Ahmadinejad oo labo mar soo noqday madaxweynaha dalkaas ayaa dad badan ka yaabisay.

Laakiin  xeer ilaaliyaha guud ee dalkaas ayaa sheegay in dacwado ka dhan ah  Ahmadinejad ay yaalaan isla markaana aan loo ogolaan doonin iney doorashadaas kasoo muuqdaan.

“Dacwadaha ka yaala heerka ay gaarsiisan yihiin darted, waxaa  Ahmadinejad loo ogoleyn wali inuu kasoo muuqdo tartanka madaxweynaha” ayaa lagu sheegay war kasoo baxay xeer ilaaliyaha dalkaas.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)