Horjooge ka tirsan Alshabaab oo isu dhiibay Dowladda Soomaaliya oo la soo bandhigay [Sawirro]

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Degmadda Buurhakaba Gobolka Baay, ayaa soo bandhigay horjooge sare oo katirsaa kooxda Al-shabaab oo  isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Horjoogahan ayaa lagu magacaabaa Ibraahim Xasan Cali, wuxuuna muddo dheer ka tirsanaa Alshabaab, kana mid ahaa madaxda kooxda ee Gobollada Koonfureed.

Horjoogaha Alshabaab ka tirsan ayaa sheegay in kooxda Alshabaab dhexdeeda ka jiro khilaaf xoog leh, ayna bilaabeen  in dhexdooda ay is dilaan.

Is dhiibista horjoogaha ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inuu laf ahaantiisa la soo baxsaday naftiisa, markii uu ka baqay in la khaarijiyo, kadib markii  xubno ka tirsan Alshabaab looga shakiyey inay wadahadal kula jiraan dowladda Soomaaliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay