Hay’ada UNICEF Oo Dhulka Ku Jiiday Dawlada Soomaaliya iyo Ceeb Ka Dhacday Muqdisho

Hay’ada Dhinaca Carruurta Qaabilsan Qaramada Midoobeey Ee UNICEF ayaa waxay soo bandhigtay Warbixin Cusub oo ay kaga hadlayaan Xaalada Soomaliya.

Waxay Si gaar ah uga hadashay Shacab Barakacayaal oo goobihii ay degganaayeen inta Ciidan Hubeysan oo Dawlada Soomaaliya katirsan ay xoog uga bixiyeen loona bur buriyey.

Kumanaan Qoys ayaa la sheegay inay hadda meel cidlo ah kusugan yihiin muddo Labo Todobaad ah,waxaana UNICEF Ay tibaaxday in Haween iyo Carruur badan yihiin kuwa saameynta barakacintaasi horka leh lagu sameeyey.

Sanduuqa Bad baada Carruurta Ee Save The Children iyo Hay’ada UNICEF ayaa wadajir waxay usheegeen in ay tahay Saameyn laga yaq yaqsado waxa ku dhacay inkabadan Afar Kun Qoys oo beylah Banaanada laga dhigay.

Deegaan ahaan 21 ayey ahaayeen meelaha la bur buriyey oo dadkaasi laga barakiciyey kuwaasi oo ku yaallay Deegaanada Kaxda iyo KM13 Duleedka Muqdisho intii udhaxeysay 29 December ilaa 31 December 2017-kii.

Ilaa hadda ma jirto cid garab qabatay Dadka la sal kiciyey ee aan loo sameyn meelo kale oo loo diyaariyey,kuna darso oo dadkaasi waxay awalba ahaayeen kuwo abaarihii jiray soo sal kicisey sanadkii hore 2017 bilowgiisii.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay