Haweeney Ganacsata Aheyd Oo Lagu Dilay Degmada Kaaraan iyo warar shegaayo in ay….

Gelinkii dambe ee galabta ayaa waxaa Gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir lagu dilay haweeney ka ganacsan jirtay qaadka.

Dilkaan ayaa waxaa la sheegay in uu geystay askari ilaalo u ahaa Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cismaan Xaadoole,isla markaana uu toogtay haweeneyda oo xiligaas joogtay suuq lagu iibiyo qaadka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay u sheegeen in dilkan uu yimid kadib markii haweeneyda iyo askariga uu soo kala dhexgalay muran,hayeeshee markii dambe uu rasaas qeybaha sare ee jirkeedka uga dhuftay.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa duro goobta tegay,iyagoo halkaas ka sameeyay baaritaano kala duwan.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka amniga ay gacanta kusoo dhigeen askarigii ka dambeeyay falkaasi oo marka hore goobta ka baxsaday,isla markaana lagu xiray Saldhiga degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here